Alla Cawadayda Waan Aroosanayaa !!! W/Q:Amb Kaysar Maxamed

Farxada, rayn-raynta iyo qosolka la isu jiibinayay, dhalaalka iyo nuurka ka ifaya dadkaas wajiyadooda waxaabay si dhab ah uga turjumaysay heesta xiisaha badan ee tidhaa Dalkeena! Hee.. Nimcaa Fadhidaa, dadka madasha joogay badankoodu waxay xidhnaayeen suudhadh qaali ah, qaarkoodna cimaamado iyo khamiisyo qashti ah oo u muuqday in markaasuun dukaamada laga soo iibiyay.

 xayndaabka huteelka ayaa nin kasta uu baabuurkiisu ugu xaraysnaa, iyada oo huteelkan weyn aanuu soo hawaysan Karin qof miskiin ah ama qof danyar ahi inuu soo galo, waxa huteelka dhexdiisa is dhaafaya Ajaanib cadaan iyo casaan isugu jira, qurbo joog, ganacasto iyo kuwo shaqooyin wanaagsan haysta oo Dawlada ama ha’yadaha kala duwan u shaqeeya, marka aad huteeladan oo kale dhex joogto ayaad si fiican u dareemi kartaa farqiga sida xawliga ah usii kala durkaya ee dadka danyarta ah iyo kuwa ladan.

Sidii ay u fadhiyeen ee ay qosolka iyo faalooyinka dibiri dhacsiga ah ay ugu jireen ayuu irrida ka soo galay Sheekh looba hanweynaa oo isu meherinayay Inanka iyo Inanta is caashaqay, sidii caadada ahayd ayaa sheekhii uu gacanta ku dhegay kii wax mehersanayay iyo kii bixinayay inanta la meherinay, ma Aqbashay iyo Qabiltu ayaa ducadii uu ku ladhay markaasaa mar kale salaan iyo marxabayn ay isula istaageen labadii dhinac ee xididayay!

Iyo dadkii xaflada joogay, Cunno iyo Cabitaano kala jaad-jaad ah ka dib nin waliba gaadhigiisii ayuu ku dhacay, iyada oo ishaadu ay qabanaysay cuntada iyo cabitaanada xad dhaafka ah ee iyada oo aan la cunin ee miisaska dul tuulnayd! Nasiib darro masaakiinta bakhitayaysay ee ay cuntadaasi gaajo tiri lahayd iyaga iyo carruurtoodu waxay meehanaabayeen dariiqyada magaalada loomana ogollayn inay Huteeladan waaweyn ee Hargeysa ku yaalla ay fooda soo galiyaan.

Xafladaha Arooska iyo kuwa Macsuumadaha ah ee habeen iyo maalibna ka dhaca Huteelada waaweyn ee ku yaala Magaalooyinka Dalkeenu waxay noqdeen qaar isugu faan ah, xagee lagaaga tumay, huteelkee ayuu arooskaagu ka dhacay, dad caan ah oo la yaqaan yaa kasoo qayb galay, sheekhee isu keen meherinaya su’aalo badan oo caynkaas ahi waxay dhex maraan guur u joogta iyo aroosyada cusub, waana dhaqan aad u halis ah oo ay muuqato inaynaan ku baraarugsanayn bulsho ahaan.

Ciyaaloow Qayaa Jirta!

Waxaa dhici jirtay oo dhaqan aynu u lahayn in reerka Aroosanaya ama Ducaysanayaa ay guryahooda ku Allah baryi jireen oo ay xoolaha ku qalan jireen, ka dibna la siin jiray dadka masaakiinta ah iyo dadka danyarta ah ee xaafadaha jaarka, ciyaalka ayaa iyaguna ku farxi jiray oo odhan jiray ciyaaloow Qayo ayaa jirta, waxaanay bulshadeenu ahayd kuwo isku tiirsan oo dadka ladan ee Allah wax siiyay ay ka war hayaan kuwa danyarta ah, maanatase arrinkii sidii wuu ka duwan yahay.

Kuwii ladnaa ee Allah u nimceeyay waxay Guryahooda ku wareejiyeen dayrar waaweyn oo xatii hadii miskiin uu albaabka garaaco aan la maqlayn, guryaha qaarkood waardiyaal ayaaba jooga masaakiinta erya, waxaana dadka Ladani ay guryahooda ku galaan kagana soo baxaan iyaga oo gaadhigooda saaran badiyaana isma arkaan danyarta, sababtoo ah saaxiibadood waa kuwo wada ladan, meelaha ay wax ka cunaan, meelaha ay ku caweeyaan iyo xataa meelaha ay ku barjeeyaan ayaa dabaqad sare ah.

Meeday Culimadii, Mee Wax Garadkii?

Hubaal waxaa ah inuu Allah dusha inaga soo eegayo, kana cadhoon karo oo ciqaabtiisu ay ina haleeli doonto haddii aynaan Bulshadeena wacyi galin oo aynaan soo gabo-gabayn dhaqankan faasidka ah ee Hidaheena soo galeetiga ku ah ee dadkii danyarta ahaa iyo masaakiinta albaabada laga xidhanayo, wax Ajar ahi kuma jiro xafladahan Aroosyada ee Huteelada Qaaliga ah lagu qabanayo

Waxaynu u baahanahay in sidii dhaqankeenu ahaa Dadka ducayasanayaa ama is Aroosanayaa ay xafladahooda iyo Ducadooda ay guryahooda ku qabsadaan, ama xataa Misaajidada ay Meherka ku dhex samaystaan xoolahana ay Qalaan guryahooda, taasoo masaakiinta iyo dadka danyarta ah wax u taraysa. Culimadan dhex boodaysa Xafladahaas ee aad moodo inay raalida ka yihiin habkan imika socda ayaa iyagana waxaa ku waajib ah inay ummada ka waaniyaan oo ay wacyi galiyaan dhalinyarada is aroosanaysa, una tilmaamaan in khayrka iyo barakada guurkoodu uu ku jiro inay fasahaadka iyo israafka ka fogaadaan oo ay si Allah uu raali ka yahay ugu ducaystaan xafladaha Arooskooda oo ay Masaakiinta ka farxiyaan ee aanay macsuumado u qaban kuwo ladan oo aan u baahnayn.

Aqoonyahanka, Culmada, Duqaytida iyo indheer-garadka ummadeena ayaa laga sugayaa inaanay ku mashquulin Siyaasad qudha ee ay hoos u eegaan dhibaatooyinka arrimaha bulshadeena ka jira una hawl gfalaan sidii wax looga qaban lahaa.

 

 

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

kaysar@europe.com

Â