Baashe wuxuu u egyahay nin meel fog laga soo direy

Baashe wuxuu u egyahay nin meel fog laga soo direy
MAQAAL
 
marka ugu horeysa waxan doonayaa inan salamo dadka reer somaliland, waxan kale oo salaamayaa bahweynta warbaahinta madaxa bannaan, 
 
waxa maalmahan taagnaa khilaaf siyaasadeed oo ay saldhiga u ahaayeen caasiyowgii sharci ee guddoomiye ku xigeenada golaha wakiilada ee somaliland, kuwaasoo ka dhego adeygeen go’aanki isku shaandheynta golaha 
 
balse haba joogtee waxa ugu muuqata in sharcigii uu gacan sareeyey oo ay xildhibaanadii kala xisbiga ahaa isku raaceen inay isku shaandheyntani sharci ahayd , balse waxa weli leqi kari la’ baashe oo markiisii hore kuyimid isxambaar oo aan ahayn nin sharci lagusoo doortey, 
 
haddaba waxa muuqata in baashe hawshiisu ka wayntahay isku shaandheynta isago marba jar isku qaadaya, waxa uu u eegyahay nin ka baxay saaxadda siyaasadda somaliland dadka reer somalilandna way ka shakiyeen.
 
waxan leenahay baashow ogsoonow inaadan ku iman doorasho oo aad xal ku fadhido booskaas aanay ahayna iyagoo raggii iyo hablihii la doortey joogaan aadan noqonkarin shirguddoon.
 
Wabilaahi Tawfiiq 
Saalax Cilmi