Ciro Oo Fashiliyay Mooshinkii Siilanyo Iyo Muuse Oo Iska Hor Iyo Daba Yimi

MAQAAL

Tan iyo intii Axsaabta Mucaaradka ee uu Hormoodka u yahay Gudoomiyaha barlamaanka Somaliland Cabdiraxman Ciro hogaanka u qabteen qorshaynta shirka dooda Qaran ee dalka lagaga badbado iyo samta bixinayo  maamul xumada iyo eexaysiga is  fuulay ee  Siilanyo.

Iyda oo sida oodi u kala sarayso loo kala hor gurayo  Waxaa shalay la galay in  mid ka mid ah  turunturooyinkii laga soo maleegay aqalaka Siilanyo xal dastuuri ah lagu soo dhameeyo oo ah nidaamka barlamaani ee cod iyo majoritsm .

Sidaana ku ansaxay  kalfadhigii Shalay ee codka aqlabiyada  ku ansaxiyay xubnaha gudi hoosaadka  aqalka waxaadna moodaa in ay soo i fafaalo baxayso hanaanka maamul  xalibnaan  ee gudoomiyaha barlamanka taas oo ah in la arko iyada  oo muuqato culays iyo farogelin lagaga wado Aqalka Siilanyo hadana uu ku dadaalay oo helay  codkii aqlabiyada  ee xilibaanada golaha, meelna isku raaceen iyaga oo goaan kor  ah  ku muujiyay haybada ku jirta in   lana helo la muujiyo gole u madaxbanaan   goaanadiisa dastuuriga ah.

Iyada oon in badan  dhaliili jirayhanaan socodkii  Gudoomiyaha Barlamanka xiliyadii dawladii Riyaale iyo mudooyin kale oo ka danbeeyaay hadana waxaa muuqata oo lagaga garaabo  marka layska reebo kuturi kuteeka iyo malaawaala ama afka qalaad  waxa lagu yidhaah  «conspiracy theories and speculation»  in Cabdiraxam maanta  isu muujiyay  inuu ku yahay hawshiisa waxa afka qalaad lagu yaqaan as “erudite”,una fahansanyahay  sida aqoon yahan  dhaqale yahani u  fahmo muhimada ku jirta in wax lagu wado isku tanaasul  haday  tahay in laga helo  xaga axsaabta iyo xilibanada dhexdooda

Waana taa ta dad badan oo Reer Somaliland ah oo inaga mid ah uu ku soo jiitay wajigiisan furan ee ah  in ay ugu arkaan  “The Scientist,” halka hadii siyaasada Maraykanka  uu ku jiro ka odhan lahayeen “The Nerd.”

Waxa muuqata in Siilanyo waxna aanu la hadhin wax kardh ah oo la sheegana  u hadhin waxii intaa ka danbeeyaanaa tahay   uun ku dhacid laan iyo bluffing  u cadaatayna inaan wax gacan ugu jiraa jirin aduun badan oo lagu baxsho laalushna aanay soo celi karin  kalsoonidii barlaman iyo mid shacab iyada oo u dheertayna in mar kale uu bulshada tuso sida Gudoomiyahii Xisbiga  Kulmiye Muuse Biixi ugu liito rogroga iyo fahanka masaalixdisa siyaaseed ee goaan qaadashada uga baahan waqtigan xasaasiga ah oo kale  ku cadeeyay hadal hayntii ahayd “If you have a large enough mouth, the chances that you will put your foot in it are high”.  Weli hadaad sii tahay Muuse Biixi waana halkay Somaalidu hadal haynta uga leedahay Hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu ammaano yahay!!!!!!

Bal maxaa ku kala hadashiin Shalay mise maanta ayaad  sax ahyd.

Farax Colow Maxamed

Acedmia
Norway
abosheekh@yahoo.com