C/raxmaan Faroole iyo General Cadde Muuse oo maanta heshiis wada gaadhay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal heshiis ku wada gaadhay Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud “Faroole” iyo Madaxweynihii hore ee Punland General Cadde Muuse Xersi.

Labada Masuul, ayaa waxay kulan ay albaabadu u laaban yihiin ay ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada ee Puntland, waxayna kaga wada hadleen arrimo badan, oo dib Saxaafada looga warbixiyay.

Kulanka ay isla qaateen labadaan xubnood, ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Nuuradiin Aadan Diiriye, kaasoo labada dhinacba ku boorinaayay in ay isku soo dhawaadaan.

Gaba gabadii kulankaan, ayay si wada jir ah Saxaafada kula wada hadleen Madaxtooyada Magaalada Garoowe, waxayna kaga warbixiyeen kulanka ay yeesheen, qoddobada looga wada hadlay iyo iyagoo wada sheegay, in uu Alle guul ugu soo dhameeyay kulankoodaan.

Dhageyso: Shirka jaraa’id ee ay wada qabteen

C/raxmaan Faroole, ayaa wuxuu sheegay in Madaxweynihii hore ee Puntland, ay isku waafaqeen dhamaan qoddobadii ay maanta kaga wada hadleen kulankoodaan, sida uu yidhi

General Cadde Muuse, ayaa dhinaciisa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Faroole ay isku waafaqeen in ay taageeraan si kasta oo Doorasho kaga dhici karto Puntland, isla-markaana uu joojiyo wararka uu Warbaahinta u marinaayo Faroole.

Cadde & Faroole oo muddooyinkii ugu dambeysay sii kala fogaanaayay, ayaa waxaa maanta la arkaayay iyagoo is gacan-qaadaaya.

Daawo Sawirada




 

 

Warar Update ah 24-ka Saac Kala Soco MuqdishoNews.com

Ilwareed.com Isha Wararka iyo Warbixinada ee Soomaaliya oo idil

Wararka Puntland iyo Somaliyaba kala soco Raadraacnews.com

Wararka Ciyaaraha Caalamka 24 saac kala soco Hiilkubad.com