Daawo Sawiro..Kulankii soo dhaweynta ee Musharaxa madaxweyne kuxigeenka Xisbiga UCID iyo Mayer-kuxigeenka Casimada Hargaysa oo London ka dhacay.29.12.13

IMG_3131

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kulan balaadhan oo ay soo abaabuleen Xisbiga Cadaaladda iyo Daryteellka Somaliland  ee UCID  ayaa ka qabsoomay   Xalayto oo ku beegnayd 29.12.13 Habeen Axad ahayd. Kulanka oo ay soo buux dhaafiyeen tageerayaasha  iyo Madaxda Xisbiga UCID  oo ka kala yimid daafaha Dalkan Ingiriiska.

IMG_2961

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu horeyn waxa lagu furay kulanka Aayado Quraana kadibana waxa Warbixin ku saabsan kulanka soodhaweynta ah ee loo sameeyey Musharaxa Madaxweyne kuxigeenka Xisbiga UCID  Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Mayor-kuxigeenka Caasimadda Hargaysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Cagoweyne  gudoomiyaha Xisbiga UCID ee UK Maxamed Jaamac  Koodbuur (Shiine) oo aad ugu mahadceliyey kasoo qaybgalayaasha,Tageerayaasha iyo dhamaan madaxda Xisbigaba,Waxa uuna warbixin kooban kaga waramay hawlaha Xisbiga UCID ee wakhtigan xaadirka  iyo soo dhaweynta loo sameeyey labadan. Waxaa kale oo hadalo mahad celin, guubaabo iyo warbixinba leh ka jeediyey madashaa madax badan oo heer qaran, yurub iyo UK ba leh. 

IMG_3026

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa isna Kulanka hadalo kasoo jeediyey ku saabsan safarkiisii uu dalkan kujoogay wixii u qabsoomay, iyo in dhamaan shacabka reer Somaliland ay dedaal mayorkuxigeenka Caasimadda Hargysa Cabdicasiis Maxamed Cagoweyne .

IMG_3021

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu xusay in uu hawl badan ku bixiyey in uu la kulmo shacabka reer Awdal  oo uu sheegay in markii ugu horeysay 23 sano in Urur la baxaan Awdal State tasoo ay sabab u tahay xukumadda maanta jirta oo ay saluugayaan, waxaan ku bixiyey wakhti badan sidii aan uga dhaadhicin lahaa in waxyaalaha uu doonayo in xisbiga cadaaladda iyo daryeelka UCID uu doonayo inuu wax ka qabto,Waxa uuna  shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaay uu u sheegayaa in ay tahay wakhtigii isbedelka dhab ah dalku helilaha, taasina ay tahay ta ay doonayaan inay dedaalkeeda sameeyaan.

IMG_3075

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Heli mayno ictiraaf iyo maalgashi inta ay maqan tahay xoriyadda saxaafada iyo nimaadka sharciga ,Waxa kale oo mudane Cabdirashiid ka hadlay mudaharaadyadii dhawaan dalka ka dhacay oo uu ku tilmaamay mid aan dalka ku wacnayn, Mar uu ka hadlaayey saxaafada waxa uu sheegay in wargaysa Hubaal uu weli xidhan yahay oo ay tahay nasiib daro.Tvga qaranka Somaliland oo isna noqday mid u ageeda xukumadda maanta jirta tasoo ah nasiib daro weyn.

IMG_3038

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa ugu danbeyb soo jeediyey in xisbiga UCID ay hogaan cusub oo dhalinyaro ahi hogaanka u hayaan tasoo uu ku amaanay gudoomiyaha Xisbiga UCID  Eng Faysal Cali Waraabe in uu ka danbeeyo horumarkaa isaga oo tilmaamay in taasi keentay in dhaliyaro farabadan oo aqoon yahan ahi xisbiga kusoo biiraan.

IMG_3054

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa kale oo ka hadlay madax farabadan oo ay ka mid yihiin Foosi Xaaji Yusuf Xoghayaha Tacliinta UCID,Siciid Cumar Axmed Wakiilka Yurub ee Xisbiga UCID,Abokor Maxamed Xoghayaha Siyaasada.Maxamed Yuusuf Shacaari,Gudoomiye Kuxigeenka Yurub.Foosiya Caydiid,Amina Ismaciil ,Saynab Xaji Gaydh,Farduus Cige, Nuura Ciise Oomaar iyo Ifraax Baruud.

IMG_3073

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa kulankani kusoo geba-gaboobay jawi aad  u qurux badan waxa kale oo mahadnaq gaara loo dirayaa garabka Haweenka iyo gudii abaabushay xaflada.

Salaanmedia/London

IMG_3089 IMG_3102 IMG_3107 IMG_3120 IMG_3121 IMG_3123 IMG_3141

IMG_2963 IMG_2969 IMG_2970 IMG_2991 IMG_3010 IMG_3013 IMG_3021  IMG_3038 IMG_3039 IMG_3053 IMG_3054 IMG_3055 IMG_3062 IMG_3065 IMG_3067 IMG_3068 IMG_3071  IMG_3074 IMG_3075 IMG_3082 IMG_3086 IMG_3088 IMG_3100 IMG_3101 IMG_3106 IMG_3131 IMG_3134 IMG_3142 IMG_3147