Daawo:- Xaflad Xibsiga Wadani oo ka Qabsoontay Edmonton Canada

Waxa habeenkii xalay ku qabsoomtay magaaladan Edmonton Gobolka Alberta ee dalkan Canada  xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan taageerayaasha xisbiga WADDANI iyo guud ahaan jaaliyadda  reer somaliland oo  isaga kala yimi magaalooyinka Edmonton iyo Calgary ee gobolkan Alberta iyo guud ahaan gobolada kala ah BC, vancouver, waxa kale oo ka soo saschechwen,minitoba, dadkan ka soo qeyb galay

123

Halkan Riix oo daawo 

xafladdan oo tiro baaxad leh oo tiradoodu kor u dhaaftay shan boqol oo qof oo  isugu yimi si ay u muujiyaan taageerada ay hayaan xisbiga WADDANI. guud ahaanba xafladdan oo ku bilaabantay jewi deggen waxa ugu horrayn khubad dheer ku furay mudane Abdirahman A. Faarax (Abdirahman maraaci) oo ah gudoomiye ku xigeenka Xisbiga ee qaaradda yurub  isla markaana si heer sare ah u soo bandhigay qorsheyaasha iyo himilooyinka ee mustaqbalka iyo is beddelka uu soo wado  Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani .

062
waxa sidoo kale  oo isla goobta goobta hadal dheer ka jeediyey gudoomiyaha jaaliyadda reer somaliland ee magaaladan Edmonton Anwar sh.Mohamed Abdalla
waxa isna goobta ka hadlay gudoomiyaha guud ee gobolka mud Hassan Haashi  Alberta iyo xidhiidhiyaha guud ee xisbiga Waddani ee Mud Mohamed Ahmed Ali ,
gudoomiyaha magaalada Edmonton ee xisbiga waddani Jaamac Haybe laamabad, xogyaha guud ee dhaqaalaha xisbiga mud Abdi Mohamed  (Abdi dheere) ,
gudoomiyaha garabka haweenka Foosiya Omar Ahmed . gud ku xigeenka  Amal jaama Ahmed, waxa isna goobta ka hadlay m.p lorry howei gudoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha dibadda baarlamanka dalkan canada  oo ka mid ah xildhibaannada laga soo doorto magaaladan Edmonton .sidoo kale waxa goobta ka hadlay gud ku xigeenka xisbiga laantiisa calgary mud Abdullahi Weyrah IGE waxa iyana ka soo qeyb galay, suldaanka guud ee qurbe joogga reer somaliland , Abwaaniin, Fannaaniin, iyo wax garad kala duwan
guud ahaanba xafladdan oo ku bilaabantay jewi deggen kuna dhammaatay farxad iyo degenaansho waxay dhammaanba ku nuuxnuuxsadeen dadkii ka soo qeyb galay xafladdani sida ay muhiimka u tahay in Xisbiga Waddani la hirgeliyo himiladiisa iyo siyaasaddiisa cusub ee u degsan inuu waddanka ku hagi doono haddii la doorto si dalka iyo dadka loo horumariyo loona dhiso kaabayaasha dhaqaale ee bulshada reer somaliland ,
MOHAMED AHMED ALI 
 XIDHIIDHIYAHA GUUD EE XISBIGA WADANI
 LAANTIISA GOBOLKA ALBERTA EE DALKAN KANADA 

Â