Hishiisyada ay dawladu la geleyso shirkada iyo ururada caalimga ah waxa haboon iney soo bandhigto Barlamaanka Somaliland.

 

Daawo Wasiirka Macdanta iyoTamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo ka war bixinaaya sababihii ay shirkada Shidaalku u baxeen.

Ugu horeen waxan bartan ka salaamiya saxaafada madaxa banaan ee si toos ah u caalamka gaadhsineysa dhacdooyinka iyo wararka caalamka.

 

Hishiisyada ay dawladu la geleyso shirkada iyo ururada caalimga ah waxa haboon iney so bandhigto, lana turxaan baxo si aynu khayrad-ka wadanka si rasmi ah oo joogto ah ugu qeybinu wadamada caalamka kolka aynu inagu ku mnaafacsano. Hasayeeshe hadi faham daro ay qabsato masuulki ugu sareeyey ama loo igmadey position-ka war heynta kheyraadka wadanka inu u fahmo inu isaga uun xaq u leeyahay maamulka iyo shaxda lagu maamulayo, isago ka talaabsaniya labada gole iyo awooda dawlada ama madaxweynaha u igmadey xilka, taas oo iyana muujineysa dicfiga iyo isku xidhniin la’aanta dawlada Kulmiye dhex taal.

 Shirkadihi shidaalka waxa ay si xil-kasnimo leh ula xidhiidheen axsaabta mucaaridka kolka ay ku qancen laxo jeclada iyo kalsoonida ay shacbka ka kasbadeen, iney uso ban dhigaan ajandayaasha iyo hiigsiga ay la damac sanyehiin xaga kaso saarka kheyraadka ku duugan wadankeena, Hadaba waxeynu sugeyna inta war rasmi ahi kaso yeedhayo Shirkadaha shidaalka iyo go’aanka kama danbeynta ah ee ay ku hawl geli lahaayeen.

 

Allah Mahad Leh

Xamse Guleed

London