Hablaha Gaaroodi oo munaasabad Casho sharafa oo lagu maamusayey Sheekh Ismaciil Maxamed Ciise Sheekh Baladka kaga Dhawaaqay inay Hargeysa ka dhisayaan Boarding Iskuul oo Hablaha Danyarta u Gaar ah

1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hablaha Ururka Gaaroodi ee Dalka UK ayaa ku dhawaaaqay inay Magaalada Hargeysa ka dhisi doonaan Iskuul Boarding ah oo Waxbarasho, Hurdo iyo Cunto leh oo u khaas Noqon doona Hablaha Danyarta ah ee reer Somaliland gaar ahaan kuwa ku nool Caasimada Hargeysa. Iskuulkan oo laga dhisi doono Xaafada Maxamed Mooge ayaa waxaa la hirgalin doonaa badhtamaha Sanadka Cusub ee 2014.

2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Munaasibada ay Hablaha Gaaroodi kaga dhawaaqeen dhismaha Iskuulkaas oo ahayd Munaasibad Casho Sharaf loogu sameeyay Sheekh Ismaaciil Maxamed Ciise oo loo yaqaan Sheekhal Baladka ayaa waxa ka soo qayb galay Mayor ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Xildhibaan Cabdi Casiis Maxamed Ciise, Safiirka Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Odoayaal, dhalinyaro, ganacsato iyo hablaha Gaaroodi oo iyagu soo abaabulay xafladaas cashada ahayd.

3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa ugu Horrayn halkaas hadal qiimo badan kasoo jeediyay Sheekh Ismaaciil Maxamed Ciise Sheekhal balad ayaa waxa uu si qoto dheer ugu hadlay horumarka balaadhan ee ka socda Dalka Somaliland iyo sida ay bulshada reer Somaliland u dedaalayso, waxa kale oo uu ka warbixiyay heerka ay marayso Dhismaha Wadada Cad ee isku xidha magaalada Hargeysa iyo Salaxlay, waxaana uu bulshada ku dhiirri galiyay inay ka qayb qaataan dhisamaha Dalka.

 

4

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Mayor Xigeenka Magalaada Hargeysa Xildhibaan Cabdi Casiis Maxamed Xaashi oo ka warbixiyay waxqabadka Dawlada Hoose iyo sida ay ugu dadaalayaan inay hormariyaan adeegyada kala duwan ee Caasimada. Waxa kale oo uu xusay in dhawaan wax weyni isaka bedeli doonaan baahida biyaha ee ka jirta Caasimada, waxa uu sidoo kale xusay in waddooyin iyo biriijyo kala duwan ay dhisi doonaan dhawaan, qaarkoodna ay gacanta ku hayaan.

5

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xubin u hadashay Hablaha Ururka Gaaroodi ayaa sheegtay inay dhawaan dhisi doonaan Iskuul boarding ah oo ay gaar u yeelan doonaan Hablaha Danyarta ah ee ku nool caasimada Hargeysa, waxaana ay Mayor ku xigeenka ka codsadeen inay u fududeeyaan dhulkii laga dhisi lahaa iskuulkaas oo ay doonayaan inay ka dhisaan Xaafada Maxamed mooge, waxaana uu Mayor ku Xigeenku sheegay in Dawlad hoose ahaan ay la qaban doonaan wax kasta oo suurto gal ah.

Salaanmedia/London