Hacker man. Bal beentaa intaa le’eeg oo E-mailkaaa 16-sacadood gudahadood ka soo diray Bal Eega iyo Magacyadda kala duwan ee la isticmaalay!!!!!! By: Siciid Faarax Cali

MAQAAL

12- xalay bahayd ahayd markii qoraal ku saabsan rag lagu eedaynaayo inay masuul ka yihiin rabshadihii Burco , lagu soo diray E-mail Group ah oo dad badani ku jiro, qoraalkaasi wuxuu ahaa mid naxli badan huwan, oo lagu aflagaadaynaayey dad aan Maxkamadii waxba ku cadayn, Balse nin saar qabyaaladeed qaaday uu ku dul kufay E-mailka qoraalka laga soo diray iyo  magaca ku qorani wuxuu ahaa (Hacker manhackerm419@gmail.com), magaca uu isticmaalayna waa C/fataax Guuleed Aw Geedi. Burao Soomaliland 

Maanta ayuu haddana ninkii E-mail-group ku soo diray Xildhibaan  uu si weyn u amaanay, Balse websit-yadda  qaar lagu eedaynaayo Xildhibaankaasi, inuu lug ku laha rabshadihii Burco, Haseyeeshe ninkani si caadifaysan oo qabyaaladi madax martay u amaaanayo E-mailka lagu soo diray bal hada garo waa isla kii hore ee dadka lagu eedaynaayay oo waa (Hackerman- hackerm419@gmail.com), maanta magaca uu isticmaalay waa Faysal Daahir Burco -Somaliland

Haddaba arintani waxay muujinaysaa in dhamaan qoraaladda uu soo diray yihiin been iyo Xasarad, uu ka dhex waddo goobtii uu deganaa, ee waajibka ka saarani ahaa inuu ka shaqeeyo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshadda may ahayn inuu ka shaqeeyo oo wakhti badan ku lumiyo iska horkeen iyo kala fogaynta Bulshadda magaaladaasi.

Dembi intee le’eeg ayuu uga sugan beenta iyo dulmiga uu sameeyay- sub xaan allah.

Waxaan kula talin lahaa  ninkan laba magac lahaa in uu ilaahay ka cabsado, oo aakhiradiisa u tudho, ka shaqeeyo nabadda magaaladadooda, dab ha ku sii qabin dhibaato taagan, ee bakhtii, ceebaynta  beenta ah ee walaalkaa ka fagow, ogoow nabaddu waa macaan, oo  colaaddi waa mugdi, alle ha ku soo hanuuniyo si jidka toosan u raacddo .. aamin aaamin.

Dadka E-mailadda loo diraayo ama website-yadda leh ee galinaaya waxa la gudboon inay nabadda ka shaqeeyaan oo aanay dadka walaalaha kuwa fidnadda ka dhex abuurayaa aanay dhiiri gelin oo qoraaladooda daabicin, ogaadda xisaab Ebbe ayaa danbaysa, naf walba waa lala xisaabtami oo qabiilku bad baadin maayo.

Reer Burcana ha loo duceeyo, laba magacloaw been danbe ha u soo dirin Emailaddan, oo danbigaagu ha kugu koobnaado adiga

Ebbow jidka toosan ha inagu hanuuniyo dhamaanteen

By: Siciid Faarax Cali