Haweeney u dhalatay dalka Uganda oo manta lagu dilay Magaalada Muqdisho

newslogo2

Haweeney u dhalatay dalka Uganda oo barre ka ahayd Jaamacada Somalia, ayaa waxaa maanta lagu toogtay Isgoyska Baar Ubax ee Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Haweeneydaan oo lagu magacaabi jiray Layla, ayaa waxaa la toogtay xilli ay la socotay gaadhi hoomey/caasi ah, oo ay lee dahay Jaamacada. Waxayna dabley hubeysani ay ku joojisay Baar Ubax. Iyagoona rasaas la beegsaday haweeneydaasi.

Dhaawac culus oo rasaastaasi ka soo gaartay, ayaa waxaa lagula caaray Isbitaalka Xalane ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo markii dambe la xaqiijiyay in ay ugu geeriyootay dhaawacii ka soo gaaray rasaasta.

Ma cadda cidda ay ka tirsan yihiin raggii hubeysnaa ee dilay haweeneydaan, laakiin waxaa la tilmaamay in ay wateen dareyska Ciidanka Dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Layla, waxay Jaamacada Somaliya ka dhigeysay Maadada Cilmiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga, waxayna ka hawlgaleysay 12-kii bilood ee la soo dhaafay.

Ilaa iyo hadda majirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jaamacada Somaliya, oo ku aadan dilka abaabulan ee lagu dilay, mid kamid ah Macalimiinta Ajaaniibta ah ee ka hawlgala Jaamacadooda.

Hay’adaha ammaanka, ayaan sidoo kale wax war ah ka soo saarin dilka haweeneydaasi iyo weliba cidii dishay.

Salaanmedia/Mogdisho

 

Â