Heshiiska is afgarad ee laga gaadhay shirka dooda qaran waa guul u soo hoyatay qaranka Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ah,

         Heshiiska is afgarad ee laga gaadhay shirka dooda qaran waa guul u soo hoyatay qaranka Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ah,

MAQAAL

tan iyo markii ay soo bandhigeen rug cadaaga siyaasiyiinta dalku 16 ka qodob ee ay u arkayeen in xukuumadu wax ka qabato ayaa dalka waxa ka curtay muran siyaasadeed oo ku salaysan xubnaha siyaasiyiinta ah ee qodobada soo jeediyay xaq mawleeyihiin inay toosiyaan xukuumada muxuuse yahay sharciyada ay u mareen ee ay haystaan? waxa dood galay maadaama oo ay yihiin rag dalka xaq weyn kuleh oo ka qayb qaatay xorayn tiisii oo xilal waaweeyna ka soo qabtay oo tacabkoodii hore dalka u soo geshay ma ka hadli karaan wixii xukuumadeena ka qaloocan? dastuurku se ma u ogolyahay in qof kasta oo muwaadina si xor ah isaga oo aan xisbi iyo urur toona ku abtirsan inuu toosiyo xukuumada maadaama uu muwaadin yahay? muran badan oo siyaasdeed iyo mid sharciyeed ka dib waxay ku soo ururtay in ay ku wareejiyaan wixii ay talo iyo tusaaleba hayeen xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo Wadani,

taa lafteeda waxa ka dhashay khilaaf siyaasiya oo ay xukuumadu u ragtay in xisbiyada mucaaridka ahi ay ku kasban karaan taageero siyaasdeed oo ay ka helaan bulshada isbedel doonka ah waxay magacii ka dishay shirkii dooda qaran ee ay xisbiyadu ku dhawaaqeen oo ay u dhigtay inay wadaan shir beeleed lagu mijo xaabinayo qaranka Somaliland!,

waxay tijaabisay xukuumadu inay kursiga shirgudoonka ka tuurto gudoomiyaha xisbiga wadani c/raxmaan cirro oo ay markii hore u arkaysay nin debecsan oo aan qaniinyo kululayn oo ay waxay doonto marsan karto! wuxuuse ku noqday midi dhultaal iyo digo hoos ka nool oo markaad cagaha lagasho aad ku gubanayso! waxay xukuumadu ku gilgishay kursiga uu ku fadhiyo ee shirgudoonka baarlamaanka iyada oo laba garab u kala jebisay xubnihii shirgudoonka ee weligood wada shaqaynayay taas oo ay kaga qayb galeen shirkii qoomiyadaha ee jigjiga ka dhacay iyaga oo kala socda!

gudoomiye cirro ayaa isaga oo tusaya xukuumadu shirka dooda qaran ee ay ku dhawaaqeen inaanu wax tar mooyee aanu dalka wax yeelo u lahayn oo sida ay bulshada u tustayna xukuumadu ay khalad tahay ayuu ugu maah maahay nin neef uu lahaa saylada gaalkacayo u soo iibgeeyay oo rag tuugi kaga murmeen oo markii uu arkay inay ku qabsanayaan ayuu go uu sitay korka kaga tuuray neefkii markii meeshii laysugu yimid ayuu yidhi waxaad igu haysataan sheega kadib neefka wan ayay u haysteen intuu go ii uu saaray ka tuuray ayuu ragii tuugta ahaa ku yidhi adeer wan maaha ee waa lax ayaa laydin ka yidhi! taas waxa uu tusaale uga dhigaayay shirka ay xukuumadu ka baqday inaanu dalka wax dhibaato ah ku noqonayan inuu wax tar u yahay mooyee,

hadaba heshiiska laga gaadhay in laqabto shirweynaha dood qaran yay dani ugu jirtaa? marka ugu horaysa waxay dani ugu jirtaa qaranka Somaliland oo dhan taas oo xaqiijinaysa inaynu nahay dal iyo dad dimoqraadiya oo doodi kara umaduna ay si xora u wada hadli karto, waxay kale oo dani ugu jirtaa xukuumada talada haysa oo wixii ay ka gaabisay ee lagu dhaliilayo ay halkaas ka dheehen karto waa hadii ay rabto inay wax ka qabato, waxay kale oo dani ugu jirtaa xisbiyada mucaaridka ah oo ay u muujisay inay dalka ku leeyihiin door muhiima oo taladooda ladhagaysan karo, waxay kale oo dani ugu jirtaa doorashooyinka la rabay inay dalka ka qabsoomaan oo laga yaabo in shirka ay ka soo baxdo xili munaasiba oo doorashadu dhacdo oo lasyku waafaqo, waxay kale oo dani ugu jirtaa xisbiga muxaafidka ah ee talada haya kaas oo raga hogaanka u hayaa ay qabaan huguri siyaasadeed oo laga yaabo inay ka faa,idaan argti siyaasdeed oo aanay markii hore qabin!,

hadaba waxaan ku soo xidhayaa qoraalkan wax badan baa lasoo murmay oo qir iyo qir gaadhay xaajadu marhadii lays afgartay oo laysu tanaasulay oo dalka iyo dadka lexejeclo loo muujiyay yaanu inaga noqon shirkii aynu wada sugaynay buurtii foolatay ee foolatay ee markii danbe irbada dhashay!,

aadan axmed nuur