Labadi xaq-darrada isku raaca. Xaqqa ayey ku kala leexdaan. Xuseen Ducaale iyo Genel Energy maxa kala heysta!!!

Labadi xaq-darrada isku raaca. Xaqqa ayey ku kala leexdaan.
Xuseen Ducaale iyo Genel Energy maxa kala heysta!!!
Bismillah wal xamdulillah wassalaatu wasalaamu cala rasuulillah. ama bacad

Waxan bartan ka salaamiya saxaafadda madaxa banaan ee wararka si hagar la’aan ah u faaafisa una gaadhsiisa daafaha caalamka.

Runti qalinka waxan u qaatay si aan wax yar uga iftiimiyo madawga iyo mugdiga ku jira heshiisyada u wasiirka macdantu mudane Xuseen Ducaale la galay shirkadaha caalamiga ah.
Wasiirku waxa uu geed hoose iyo geed sare u fuulay si ay himiladiisu u rumoodo, taaso ah in u khayraadka wadanka sifo sharci daro ah in u kula so baxo, laakiin waxa mudanaanta kowaad leh shicibki hor istaagey heshiiska xaaranta aha, ee habeen madaw lagula beegsadey xaalufeyn degaan iyo ciidan hubeysan si arxan daro ah kula kacay maatada iyo xoolo dhaqatada ku nool degaanadaasi.
Labadi gar-darrada isku raaca, xaqa ayeey ku kala bedhaan. waxa u cadaatay shirkadi shidaalka iney wasaaradu iyo wasiirku sifo sharci daro ah ay ku talaabsadeen iyo deegaanki kharashki luugu talo galay in lagu waciyi geliyo akoont gaar ah inu ku dhacay. Hadaba Genel Energy waxay yaqiinsatey in hadi mashruuca Petroluem ka laga hishiiyo iney deegaanka iyo parliament ka lala tashado lana hor yamaado

Nuxurka maqaalku waxa u ku saleesayahay, madaam Xuseen Ducaale uu yahay shakhsi S.lander ah, waxa u mataliya qof kasta oo muwaadin ah, hadaba waxa nasiib xumu ah iney ceebteeni debeda u baxdo taana uu kalifey wasiirku inu shicibkiisa daacada u ah inu kaga kalsonaaday dantiisi shakhsiga ahyd, alla mahad leh cadaaladi aya so if baxday, himiladi self-interest ka ay hir geli-weydey.
Ugu danbeynti waxan uso jeediniya dawlada Somaliland iney dib uga fiirasto Wasiirka macdanta iyo aqoon darrada ka heysata shuruucda iyo distoorka Somaliland. Weedhaha wasiir ka kaso yeedha wa iney Qaranka wax tar mooye aaney noqon nuqsaan ama wax u dhin Qaranka wax yeela.
Allah mahad leh
Xamse