Liverpool Oo Ku Fariisatay Hogaanka Horyaalka Si Kumeel Gaar Ah Xilli Suarez Oo Laba Jeer Shabaqa Soo Taabtay

High fives: Sterling celebrates with his Liverpool team-mates after doubling their lead

Kabtan Luis Suarez ayaa iftiimiyay Anfield galabta kadib markii uu laba gool dhaliyay midna ku caawiyay da’yarka reer jamaica ee dhalashada England heysta Raheem Sterling.

Qeybtii hore ciyaarta ayeyna Liverpool ku kala baxday natiijada ciyaarta iyadoo sadex gool ka dhalisay Cardiff City oo marti aheyd.

Luis Suarez ayaa bilaabay bandhiga goolasha Liverpool kadib markii uu isfaham wanaagsan dhexmaray isaga iyo Henderson daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta si qurux badan ayuuna u dhameystiray kubad Volley aheyd.

Coutinho ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo Liverpool daqiiqadii 33-aad ee ciyaarta markii uu kubad xoogan birta ku garaacay isagoo si wanagsan uga xariiftamay daafac ka tiran Cardiff.

Hugs: Suarez is congratulated by his team-mates after taking his goal tally for this season to 19

Martin Skrtel ayaa mar kale sigay goolka Cardiff City markii uu madaxeeyay kubad laad xor aheyd oo uu so laaday Coutinho.

Liverpool ayaa kordhisay cadaadiska ay ku heyso goolka Cardiff, da’yarkooda Falanagan ayaa kubad uu lugta la waayay Suarez ka faa’ideystay inkastoo uu birta ku dhuftay, waxaase isla waqtigaas helay jaanis kale Sterling oo darbo kulul goolka la beegsaday waxaana ka beeniyay goolhaye Marshall.

Raheem Sterling ayaa hogaanka u dheereeyay Liverpool daqiiqadii 41-aad ee ciyaarta Suarez ayaana caawiyay kubad uu isaga qudhiisa dhalin karay waxaana natiijada ay noqotay 2-0.

Luis Suarez ayaa mar kale shabaqa soo taabtay daqiiqadii 45-aad ee dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta kubad qurux badan oo jarmo ah ayuuna ka dhaliyay Cardiff Jorda Henderson ayaana cirib wanaagsan ku dhiibay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 3-0 oo ay hogaanka ku heyso Liverpool, Cardiff City oo aan waxba isku dayin iyo Liverpool oo iska heysatay guud ahaan qeybtii hore.

Unstoppable: Suarez scores Liverpool's opener with a stunning volley in the 25th minute

Liverpool ayaa qeybtii labaad mar kale qabsatay maamulka ciyaarta cadaadis badana saartay goolka Cardiff.

Cardiff City ayaa rajo wanaagsan soo yeelatay markii ay la timid goolkooda koowaad ee ciyaarta kubad laad xor ah oo laga keenay dhinaca bidix waxaa madax ku dhaliyay Mutch daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta.

Qalad badal oo uu sameeyay Rodgers ayaana hoos u dhigtay awoodii Liverpool waxaana la badlaay Falangan iyadoo lasoo galiyay ciyaarta Kelly.

Dhamaadkii ciyaarta Luis Suarez ayaa isku dayay inuu dhaliyay sadexley balse goolhaye Marshall ayaa ka diiday.

Ciyaarta ayaana kuso dhamaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday Liverpool, natiijadaas ayaana ka dhigan in Liverpool ay ku fariisatay kursiga hogaanka Horyaalka Premier League iyadoo hal dhibic ka sareysa kooxda Arsenal oo isniinta la ciyaari doonta Chelsea.

Salaanmedia/Mogdisho