(MADASHA SIYAASI MADAXA BANAAN SIDEE BUU U ARKA DOODA QARAN)

(MADASHA SIYAASI MADAXA BANAAN SIDEE BUU U ARKA DOODA QARAN)

Sidaynu ogsoonahay waxaa baryahan socda barnaamij lagu sheegay dood qaran oo ay iclaamiyeen xisbiyada mucaaradka kuwaas  oo ay ka soo qaateen qolyahan la magac baxay madasha wadatashiga qaran iyo siduu u arko madasha siyaasiga madaxa banana,

Markaynu ku horeyno dooda qaran xisbiyada mucaaradka awood uma lahan inay ku dhawaaqaan dood qaran sababtoo ah iyagu maalin walba waxay raad shaan oo ay la taagan yihiin media ha toosin qaran oo ay toosinayaan xukuumada dalka haysata iyagu halkaas ayay ku qaateen in ka doodaan wixii fakar ah ee ay qabaan,

Xisbiyada mucaaradka waxaan ukala saaraynaa 2labo,

Gudoomiyaha wadani mudane cabdiraxmaan ciro oo ah gudoomiyaha wakiilada waa gudoomiye qaran oo hogaamiya golaha sharci dajinta Somaliland,

Gudoomiye ciro isagu maalin walba waxa uu ku dhex jiraa dood qaran uuna uqabto golaha wakiilada iyagoo ka dooda marwalba dalka halka uu marayo, waxayna awood u leeyihin xukuumada jirta inay wasiirkay  ubaahdaan uga yeeraan golaha wakiilada si ay wax uga waydiyaan shaqadiisa iyo waxa soo kordha ee lagu dhaliilayo, ka wasiir ahaana halkaas ayuu ka dhibtaa barnaamijkiisa shaqo waxa jirana halkaas ayuu ka cadeeyaa.

Gudoomiyaha ucid mudane faysal cali warabe waa gudoomiye xisbi mucarad, hadaba waxa uu leeyahay godoomiye yaal farabadan iyo musharax inta badan aan ka aamusin wax walba oo dalka ka jira mararka qaarna ka dheereeya waxa jira oo buunbuuniya.

Waxa ka dhex muuqda xisbiga ucid aqoonyahan Jamaal cali xusen oo ah aqoon yahan loo baahnaa inuu dadkiisa u faa ideeyo jaamacadahana wax ka dhiga si cilmigii uu soo bartay uu ula wadaago dadkiisa, hasa ahaatee manta waxa uu noqday musharax xisbi waxuuna u baahanyahay sidii uu ku kasban lahaa shacab, lakin jamalow kuma jirto inaad manta taageerto dood qaran oo aanan loo baahnayn sharcina ahayn ee waxaa loo baahan yahay sidii aad dadkan ku kasban lahayd kana hadli lahayd dhalinyarada  aqoonta leh  oo aad ka hadasho tayada aqoonta dalka halkay marayso, dalkuna waa dhalinyaro inta codaysa.

Waxaan leeyahay mujaahidiintana arinkii meel wanaagsan ayaad dhigteen waxaadna garowsateen inaysan ahayn waxan wax  sharci ah waadna ku mahadsantihin, se waxaad u baahan tihin inaad cibaadaysataan oo inta waqtiga ka haray aakhiro loo shaqeeyo dalkana wuu haystaa dhalinyardii ka hadli lahayd haday wax qaldamaan halkaad nasoo garsiiseena waad ku mahad santihin 100% meel fogna waad nagaga taliin.

Ka musharax madaxwayne mustaqbal ahaana waxan so jeedinaya dooda qaran   hanaloogu warejiyo kuliyada nabada iyo horumarinta si aynu isula eegno haday wax jiraan ka aqoon yahan ahaan iyo ka siyaasi ahaan.

Dalkuna meel wanaagsan ayuu marayaa

Dhammaantiin aad baad umahdasantihiin saxaafada madaxa banaan

Qalinkii|: Future president mohamed Osman

Email:awaadan5@gmail.com

Burao,Togdheer,somaliland