(MADASHA SIYAASIGA MADAXA BANAAN) TALO IYO TILMAAN KU WAJAHAN MADAXWAYNHA JAMHUURIYAD SOMALILAND

(MADASHA SIYAASIGA MADAXA BANAAN)

TALO IYO TILMAAN KU WAJAHAN MADAXWAYNHA JAMHUURIYAD SOMALILAND

Anigoo ah mawaadin reer Somaliland ah una taagan madaxwaynaha mustaqbalka jamhuuriyada Somaliland waxaan jeclaystay inaan talo iyo tilmaan waxii aan hayo aan halkan kuugu soo gudbiyo madaxwayne.

Madaxwayne waxaad tahay dulqaad badane, karti badane, daacad badane, qalbi hufnaan, iyo madaxwayne u daacad ah sidii uu dalkiisa iyo dadkiisa ku horumarin lahaa.

Madaxwayne waxaad tahay mas’uulkii ugu sareerayay qarankan una taagan qorshihii aad dhigatay markaad mucaaradka ahayd inaad fuliso oo ah wax qabad muuqda inaad dalkan ka hirgalin doonto sida runta ahna dadkaagu way arkaan sidaad u daadalayso oo shaqo wanaaga iyo lasocdka haya adahaaga dastuuriga ah.

Madaxwayne waxaynu nahay bini aadan, bini aadankuna khalad wuu ka dhacaa inuu dhacana waxa kazoo dhex baxa ka hortag inuusan soo noqon khaladka mardanba oo waxaa la sameeyaa waxii looga hortagi lahaa

Madaxwayne talada aan soo jeedinayo waxay tahay madaxwayne waxaad soo martay mucaaradad xoogan oo ula jeedadaaduna waxay ahayd waxa khaldan toosi kuna ilaa markaa xukuumadii jirtay sharciga inaysan ku xad gudbin iyo hantida qaranka ee lagu takrifalayo iyo siday u dardargaliso waxqabadkeeda dhaliisha taana waxay tahay sunaha dowlad nimo, hadaba madaxwayne waxa hada jirta mucaaradad aan taadii la mid ahayn lakin usoo dhaw.

Madaxwayne waxaad tahay mas’uulkii ugu sareeyay qaranka jamhuuriyada soamaliland waxaad magacawayday wasiiro iyo hay’ ado,  hadaba madaxwayne waxaad kaloo  magacawday barasaabo waxaa kaloo la doortay maayaro hadaba dadku way cabanayaan maxaase sababay? inkastoo baahida jirta aan  lawada dabooli Karin, ilaahay moyee cid dabooli kartaa aanay jirin baahi oo dhan lakin dadaal uu jiro.

Madaxwayne bari dhawayd waxaay hirgalisay wasaarada warfaafinta barnaamij ah ila maqal hadase uusan baryahaas shaqayn,

Madaxwayne dadkeenu ma yaqaanan habka loo mudaharaado oo waxay naga noqotaa anagoo leh cabashadiina ku muujiya mudaharaad salmi ah mid dhibooto leh, hadaba mudaharaadka midi waa mid danta bulshada ku saabsan midna waa mid aan sharci ahayn, sidaad ogsoontahay dadkaagu waxay inta badan kugu soo gudbiyaan cabashadooda media ha taana madaxwayne ma wanaagsan igamana ahan cid ku dhaliil laakin waa wax aynu wada arkayno.

Madaxwayne markaan in yar kasoo qaato arinkii biyaha hargeisa ee mudaharaadka ka dhashay dhaawaca   waxa sababay waxa ay ahayd cabashadii booyadaha cidii ay qusaysay oo ay ahayd inay kala arinsadaan siday wax u jiraan intaysan kusoo gaarin,

Madaxwayne waxaanu aaminsanahay inaad u taagantahay daboolida baahida bulshada inta aad awoodo sidaad ku dabooli lahayd dadkaanu way ogsoon yihin dadaalkaad ugu jirto hadh iyo habeen

Hadaba madaxwayne waxaan oran lahaa inaad hay’adaha dowlada oo dhan aad kuu baraarujisid inay samaystaan sanduuq qafilan furahiisana ay hayso cid gaar ah, sanduuqaasna korkiisa ku qoran yahay hadaad cabasho qabto qoraal soo qor oo ku dhex rid iyo cabashadaad qabto waxay tahay una samayso cid ururiso cabashooyinkaas halkaana shaqo abuur ayay noqonaysaa oo dhalin yaro farabadan ayay u noqonaysa shaqo abuur oo warbaahintan fashilan waa laga baxayaa iyo dadkan intay media ha so istagan oranaya hadanu reer hebel nahay waxaas Ayaan ka cabanaynaa oo iyagu waxay cabashadoodu dhigayaan halkay qusayso haday tahay gobolka iyo haday tahay wasaarad waana sida ugu fudud uguna ceebta yarr ee la iskugu soo gudbin karo fariimaha

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxan leeyahay bulshadu waa dhismaha dowladnimo waa in loo feejignaada waxyabaha daruuriga ah ee ay ka cabanayaan bulshada, ganacsatadana dadkooda ha uturaan hana ilaashadaana, marwalbana yaysan raadin faa iido oo ha u daneyaan bulshadooda jilicsan

Dhammaantiin aad baad umahdasantihiin saxaafada madaxa banaan

Qalinkii|: Future president mohamed Osman

Email:awaadan5@gmail.com

Burao,Togdheer,somaliland