MADASHA SIYAASIGA MADAXA BANAAN

(MADASHA SIYAASIGA MADAXA BANAAN)

(MIJIXAABINTA IYO BEEN ABUURKA  UU KU HAYO SOMALILAN DANJIRE NICHOLAS KAY IYO WASAARADA ARIMAHA DIBADA OO AAN LA FAHMIN ARINKAAS )

Danjir  nicholes kayo o ah u qaybsanaha qaramada mdoobay dalka Somalia ayaa baryahan ka wada Somaliland miji xaabin uu ku doonayo inuu caalamka kaga dhaadhiciyo in Somaliland ay tahay meel dimuquraadiyad iyo kala danbayn aanay ka jirin isagoo warar laga xishooday ka qoray kana jeediyay warbaahinta  Somalia kuna tilmaamay  maamul goboleed oo uu dhinac dhigayo puntland,

Intii uu kursiga ku fadhiyay nicholes kay waxa uu isku dayay inuu Somaliland ka dhigo maamul goboleed taasuu ku doonayo inuu xafiis maamul goboleed ahaan u shaqeeyo ka furto Somaliland, dabeetana ay ogaatay jamhuuriyada somaliland inuu wado arin ka dhan ah gooni isutaaga jamhuuriyada Somaliland arinkaasina ay ku gacan saydhay dowladeena,

Waxaa jirta dhowr arin oo wasaarada arimaha dibada ay ka gaabisay  lana aysan fahmin miji xaabinta  nicholes kay

  1. Inta uu punland tagay ayuu la kulmay madaxwayne faroole dabeetan ku yiri waa inaay ka qabsoontaa doorashada shanti gobol, talana ku bixiyay inay booqdaan goboladaas  si marka loogu arko iyagoo dhexmushaxaya goboladaas ay caalamka kaga helaan  taagero xaga dhaqaalaha ah looguna aqoonsado gobolo puntland leedahay ,

Goboladaasoo  kala ah  BARI,NUGAAL,MUDUG,SANAAG IYO SOOL

Arinkaasoo gaf ku ah jamhuuriyada Somaliland.

Wasaarada  u qaabilsan arimaha dibadana ka gaabisay inay ka hadasho arinkas oo ay ka  qanciso shacabka jamhuuriyada Somaliland siday wax u jiraan.

Shacabku   waxay arkayaan gobolka Sanaag oo lagu soo dhawaynayo musharaxinta puntland,

Sidaynu ogsoonahay baran waxay Somaliland ka qabatay doorasho degan waxayna leedahay barasab iyo maayar hasa ahate arinkaas lama garan siday udhacayaan,

Wasaarada gashaandhigana hawshii difaaca dalka ee ku aadanaa baran kamaysan howlgalin,

  1. Arinka la baad waxa weeye oo lagu dhaliilayo wasaarada arimahada dibada waa reportkii uu ka bixiyay nicholes kay Somaliland oo ahaa waxay xidhay gudoomiyaha barlamaanka taasoo ah gardaro qaawan wasaradana ay ka jawaabtay goor danbe loomana baahna inay jawaabtada noqoto waqti danbe waa inaad jawaabta bixisaa waqtiga ay leedahay,

Nicholes kay waa inuu cadeeyaa waxa uu damacsanyahay qaramada midoobayna loo cadeeya shaqa xumada uu ka dhex wada dowladaha jaarka ah ee Somaliland iyo Somalia.isagoo doonayo inuu kadhex abuuro xaalad amaan daro,

 

Guntii iyo gunaanadkii waxaan u soo jeedinayaa wasarada arimaha dibada iyo wasaarada gashaandhiga ka musharax madaxwayne mustaqbal ahaan inaad kormeer ku samaysaan report laga bixinayo Somaliland jawaab degdeg ahna ka bixisaan haduu report khaldan baxo

nicloses kayna indha dheer loo yeesho,

Wasaarada gashandhigana waxan leeyahay halaga fiijignaado puntland waxa ay soo wad ill dheerna haloo yeesho.

 

Dhammaantiin aad baad umahdasantihiin saxaafada madaxa banaan

Qalinkii|: Future president mohamed Osman

Email:awaadan5@gmail.com

Burao,Togdheer,somaliland