Madaxweyne Somalia Xasan Sheekh “Isbedelkaan waa inuu noqdo mid u horseeda shacabka & dalka horumar” + SAWIRRO

image

Madaxweynaha  Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa Baarlamaanka uga mahadceliyey kalsoonidii ay maanta sida aqlabiyadda leh u siiyeen Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed. 239 xildhibaan ayaa oggolaaday, halka ay 2 xildhibaan ka aamuseen, 2 kalena ay diideen.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey baarlamaanka ayaa ugu horreyntii ka tacsiyeeyey geeridii xildhibaano ku timid waxuuna yiri “ Marka hore iga oggolaada inaan idin la wadaago tacsidii xildhibaanadii geeriyooday ee Xuseen Cabdisalaan, Cumar Islow Maxamed, Maxamed Warsame Maxamed (Feisal) iyo Xasan Maxamud Cali (Sokorline) waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii fordowsa ka waraabiyo, dhammaanteenna uu samir iyo IIMAAN naga wada siiyo.

Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday inay kalsooni siiyaan shaqsiga uu u soo xulay xilka Ra’iisul Wasaare ayaa yiri “ Sidaad la socotaan 2dii December 2013 go’aankii aad gaarteen waxaa khasab noqotay inaan la tashiyo ka dib aan u gartay Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed inuu noqdo Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda.

Haddaba waxaa khasab ah sida uu dastuurku na farayo in Baarlamaanka Sharafta leh ay kalsooni siiyaan si uu u helo sharciyaddii rasmiga aheyd isla markaana uu u guda galo howlihiisa muhiimka ah.”

Madaxweynaha oo ka hadlayey sida uu ku soo xulay ayaa yiri “Marka hore waxaan jeclaan lahaa inaad u wada mahadceliyo dhammaan shaqsiyaadkii soo dalbaday xilka Ra’iisul Wasaare oo dhammaantooda muujiyey xilkasnimo iyo waddan jaceyl

Shaqsiyaad gaaraya 70 baa soo dalbaday oo labaatan ka mid ah aan waresyiyo la yeeshay. Farxad weyn bey i gelisay sida ay shaqsiyaadkii aan wareystay ay dhammaantood u wada muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin inay dalka u adeegaan.

Wareysiyadaas ka dib waxaan u gartay Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed inuu yahay shaqsiga aniga iyo baarlamaanka iyo hay’adaha dastuuriga kala shaqeyn kara sidii aan u xaqiijin laheyn in 2016 aan dalkan gaarsiino doorashooyin.”

“Waxaan ku kalsoonahay in Cabdiweli uu sii dar-dar gelin karo dhammaan horumarka ballaaran ee aan sanadkii la soo dhaafay gaarnay, isla markaana uu la iman doono barnaamijka xukuumadda oo faahfaahsan, isla markaana qeexaya arrimahan:

Sida dalka loo gaarsiin karo doorsahooyin xor ah sanadka 2016;
Amniga iyo nabadeynta dalka;
Dib u habeynta Dastuurka; dhaqangelinta federaalka, asxaabta siyaasadeed iyo dhammaan howlaha muhiimka ah ee uu dastuurku na farayo;

Dhaqangelinta New Deal iyo dabagalka ballanqaadyadii beesha caalamka;
Dhaqangelinta go’aandii Shirweynayaashii Qaran ee waxbarashada, caafimaadka, garsoorka, xagjirnimada iyo aragtida fog ee 2016;

Dib-u-heshiisiinta iyo isgaarista maamulada dalka, Dhaqangelinta Heshiiskii Maamulka KMG ee Jubba;

Xoojinta xiriirka caalamiga; Hagaajinta maamulka maaliyadda; Iyo dhammaan howlaha muhiimka ah ee na horyaalla;

Sidaas daraadeed, waxaan si xushmad iyo sharaf leh idinkaga codsanayaa inaad Ra’iisul Wasaaraha aan soo magacaabay ee Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed aad siisaan codkiina kalsoonida ah si uu u helo sharciyadii, isla markaana uu u soo dhiso gole wasiiro oo fulin doona qorsheyaasha iyo barnaamijka xukuumadda oo uu Ra’iisul Wasaarahu idiin soo bandhigi doono si aad waajibaadkiina dastuuriga ah uga gudataan.”

“Shacabka Soomaaliyeed waxey naga sugayaan in isbedelkan uu noqdo mid u horseeda shacabka iyo dalka horumar dhan walba ah si aan u wada gaarno aragtida aan hiigsaneyno ee ah inaan helno Soomaaliya oo nabad ah kana xasilan dhanka amniga, dhaqaalaha, iyo siyaasadda. Waxaan hiigsaneynaa in 2016ka ay dhacaan doorashooyin oo dowladda danbe ay noqoto mid shacabku soo doorto.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii u mahadceliyey Baarlamaanka sida sharafta leh ee ay u aqbaleen codsigiisa una siiyeen kalsooni oo weliba si aqlabiyad leh loo siiyey codka.