Man City oo hogaanka Premiership-ka si kumeel gadha…..

Man City oo hogaanka Premiership-ka si ku meel gaadha ah ula wareegtay iyo Man United oo guusheedii 4-aad oo xariir ah gaartay

Taariikhda: December 28, 2013

dzeko

Kulamadii xiisaha badnaa ee galabta la cayaaray waxaa kasoo baxday natiijo la wada filaayay madaama labo Manchester ay guulo muhiim ah gaadheen waxayna midaan ka dhigan tahay in Man City ay hogaanka Premiership-ka si ku meel gaadha ah ula wareegtay halka Man United iyada ay guusheedii 4-aad oo xadhiidh ah waxayna haatan kusoo dhawaatay safka hore ee Premiership-ka, hadii aan usoo laabano Man City waxay 1-0 uga tilaabsatay kooxda Cardiff City inkastoo la joogay garoonka Etihas lana aaminsanaa in City ay goolal farabadan ku badin doonto hadana ma dhicin waxayna guushaan kaga mahad celinee weeraryahankeeda Eden Dzeko oo shabaqa kubada la helay daqiiqadii 66-aad kadib markii uu baas qurxoon ka helay Jesus Navas waxayna natiijadan ka dhigan tahay in Man City kulankeedii 9-aad oo xadhiidh ah ay garoonkeeda Etihad ku guuleesatay xili cayaareedkan.

welbeck

Danny Welbeck ayaa ka faa’iideestay qalad ay galeen daafaca kooxda Norwich City wuxuuna xidigan kooxdiisa u suura galiyay inay guul muhiim ah kusoo gaarto meel ka baxsan garoonkeeda haatana macalin David Moyes iyo xidigahiisa waxay u muuqdaan inay la qabsadeen wadada guusha madaama ay 4-kulan oo xariir ag badiyeen waxayna United u socotaa inay gaarto safka hore ee hogaanka waana booskii kooxdan looga bartay waxayna haatan u muuqataa in United ay ka baxday jah wareerkii ay ku jirtay tan iyo bilawgii xili cayaareedkan.