Musharaxiinta Maamulka Puntland oo Xukumadda Faroole dusha ka saaray in wixii ka xumaada Doorashada uu masuul ka yahay.

22 Musharrax Oo Sheegay Wixii Ka Xumaada Doorashada Puntland In Uu Faroole Masuul Ka Yahay

loooooooooolz

Dec 30,2013 Garoowe(SM)-Shir wadatashi ah oo maanta magaalada Garowe ku yeesheen 22 ka mid ah musharraxiinta u taagan xilalka madaxweynaha iyo ku xigeekiisa ee maamulka Puntland ayaa laga soo saaray.

Musharraxiinta shiray ayaa sheegay in wixii khaldama uu mas’uuliyadeed qaadan dooni madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha.

War kazoo baxay 22 Musharrax oo ku shiray Garowe ayaa u qornaa sidan:

Hadii aan nahay musharraxiinta xilka madaxweynaha iyo ku xigeenada dowladda Puntland sanadka 2014 waxaanu si wadajir ah u cadeyneynaa:

1- Waxaan ku dadaalnay iney Puntland ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah, markii aan ogolaanay in guddiga khilaafaadka ee madaxweynuhu magacaabay uu sii shaqeeyo, iyadoo ay marjic u yihiin wixii khilaaf ah Isimada soo jireenka ah.

2- Haddii ay wax ka xumaadaan doorashada 2014 iney u dhacdo si xor ah oo xalaal ah waxaa mas’uuliyadeeda yeelana:

A) Maamulka madaxweynaha musharraxa ah mudane C/raxmaan Faroole oo si cad u diiday in wadajir ah loo magacaabo guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka, si loo helo doorasho ay ku kalsoon yihiin shacab-weynaha Puntland.

B) Doorkii isimada iyo wadajirkooda oo ku daciifay faragelinta dowladda darteed, taasoo sababtay ineysan weli ku guuleysan qaabkii ay guddiga khilaafaadka u sixi lahaayeen.

3- Waxaan uga digeynaa guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka iney ka beyraan wadadii aanu ku aqblay ee ahyed iney isimada marjic uga dhigaan wixii khilaaf ah ee kazoo baxa xulashada xubnaha baarlamaanka.

Waxaa si wadajir ah ugu baaqeynaa:
1- Iney doorashadu dhacdo waqtigeedii ahaa 08 Janaayo 2014.
2- In Isimada Puntland khilaafka siyaasadeed ee jira si nabadgelyo ah oo wadajir ah u maareeyaan, gacanna ka geystaan sidii loo heli lahaa doorasho xor ah oo xalaal ah, si loo xaqiijiyo isbadelka ay shacabku higsanayaan.
3- In shacabka Puntland ay adkeeyaan midnimadooda, ilaaliyaanna sumcadda iyo sharafta reer Puntland.

Magacyada Murashaxiinta bayaanka soo saaray:
1. Maxamed Cabdinur Xirsi
2. Cali Xaaji Warsame
3. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
4. Cali Xaaji Cabdulle
5. Cali Cabdi Awaare
6. Cabdullahi Siciid Samatar
7. Cabdullahi Shiikh Axmed
8. Shire Xaaji Faarax
9. Cabdidaahir Maxamed Yusuf
10. Cali Cabdulqaadir Yuusuf
11. Saadiq Maxamed Eenow
12. Cabdiweli Maxamuud Cilmi Gurey
13. Cabdirisaaq Nuur Caluula
14. Cabdullahi Daahir Maxamuud
15. Cabdullahi Cali Xirsi
16. Xuseen Xaashi Xasan
17. Yaasiin Faarax Cartan
18. Cabdixakiim Cabdullahi Cumar Camey
19. Cali Cumar Caarshe
20- Daahir Xaaji Khaliif
21- Cabdullahi Muuse Aw Cali
22- Maxamed Xirsi Ducaale

Salaanmedia/Hargaysa