Musharaxiinta Puntland oo go’aan mideysan ka qaatay Guddiga Xalinta Khilaafaadka (SAWIRRO)

Musharaxiinta u tartameysa Jagada Madaxtinimada ee Puntland, ayaa waxay shalay go’aan mideysan ay ka qaateen Guddiga Xalinta Khilaafaadka, ee uu magacaabay Madaxweyne Faroole.

Arrinta ku beegan magacaabida Guddiga Xalinta Khilaafaadka, ayaa waxay gil gishay dareenka Musharaxiinta Puntland, kuwaa oo sheegay in aanu Musharax magacaabi karin Guddigaasi.

Musharaxiinta, ayaa waxay aqbaleen Guddiga uu magacaabay C/raxmaan Faroole, laakiin waxay sharuud kaga dhigeen in loo celiyo (Marjac) looga dhigo Isimadii soo jiraynka ee Puntland.

Prof. Cabaas Axmad Cabaas “Gacma Gaab” oo kamid ah Musharaxiinta, ayaa wuxuu Warbaahinta u akhriyay qoddobada ay Musharaxiinta ka soo saareen murunka la xiriira Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Dhageyso:

Daawo Sawirada: