Nin Soomaali iyo labada kale oo Kenyan ahaa oo maanta lagu dilay Magaalada Bor ee South Sudan

image

Xoogaga mucaaradka ee ka soo horjeeda Dowladda South Sudan, ayaa waxay maanta dileen nin Soomaali iyo laba kale oo u dhashay dalka Kenya.

Raggaan oo la socday gaadhi booyad shidaal ah, ayaa waxaa qabtay Xoogaga mucaaradka, kuwaa oo la tiilmaamay in ay rasaas huwiyeen, sidaana ay u geeriyoodeen.

Kooxaha fallaagada, ayaa dilka kadib dhac kula kacay gaadhigii shidaalka, iyadoo tanina ay ku soo aadeyso, xilli Ciidamada Dowladda maanta lagala wareegay gacan ku haynta Bor.

Seddexda nin ee maanta lagu dilay Magaalada Bor, ayaa waxay u shaqeynayeen Shirkadda Shidaalka ee Trojan, oo ka hawlgasha inta badan dalkaasi.

Magaalada Bor waxay Xarun u tahay Gobolka Saliida hodanka ku ah ee Jonglie, oo dhaca Xuduuda Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya.

17-kii bishaan, ayay ahayd markii laba nin oo Soomaali ah lagu dilay Magaalada Jubba, ee Xarunta Wadanka Koonfurta Suudaan.

Salaanmedia/Nairobi