Odayaal iyo wax garad ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka oo Huteelada Muqdisho laga Saaray!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Fadeexad iyo ceeb weyn ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday wasaarada arimaha gudaha ee Soomaaliya ka dib markii banaanka la dhigay odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobolada Jubooyinka oo marti u ahaa dowlada Soomaaliya ka dib markii laga soo saarey

Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa la sheega inay joojisay gebi ahaanba kharashyadii ay ku bixin jirtey odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobolada Jubooyinka oo marti ugu ahaa maagaalada Muqdisho, Odayaashaan oo ka soo cararay magaalada Kismaayo ka dib markii ciidamada taageersanaa Axmed Madoobe oo garab ka helaaya dowlada Kenya ay ka soo saareen magaalada Kismaayo ayaa wixii ka dambeeyey waqtigaas waxay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho, Odayaashaan oo ka war sugaayey dowlada Soomaaliya inay iyaga iyo qaar kale oo ka mdi ahaa ragii sheegtay madxweynanimada gobolada Jubooyinka inay dib ugu celiso magaalada Kismaayo ayaa taas badalkeeda waxaa looga dhigay in laga saaro hoteeladii ay ku jireen ka dib markii laga joojiyey hoteeladaas qarashyadii ay ka heli jireen wasaarada

Ugu dambeyntiina iyadoo arintaan ay ceeb iyo foolxumo ku thay dowlada Soomaaliya maadaama odayaashaas iyo wax garadkaasi ay ahaayeen kuwii ku taageeray dowlada Saoomaaliya inaan magaalada Kismaayo laga dhisin maamul aysan dowlada Soomaaliya raali ka ahayn ayaa waxay hada u muuqataa inay odayaashaas iyo ragii kale ee sheegtay madaxweynanimada maamulka Jubaland inay meel cidla ah ay ku soo dhaceen oo aysan meelna jirin, Horey ayaa waxaa sidaas oo kale meel cidla ah ku soo dhacay Barre Hiiraale oo aan la ogeyn meel uu jaan iyo cirib dhigay ka dib markii uu ka horyimid maamulka lagu dhisaayey gobolada Jubooyinka asagoona dsheegay inaysan waxba ka jirin maamul aysan dowlada raali ka ahayn, Odayaashaan baanka la dhigay ayaa waxay rajaynayeen in loo qaado magaalada Kismaayo oo db ay dowladu ugu celiso.

Salaanmedia/Moqdisho