QAS-WADAYAASHA QASRIGA MADAXTOOYADA “ QQM” : DOOD QARAN MA JIRTO

QAS-WADAYAASHA QASRIGA MADAXTOOYADA “ QQM” : DOOD QARAN MA JIRTO
MAQAAL
 
Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo Guddoomiye Ciro waxay  dhawr  cisho ka hor   ku heshiiyeen  in “DOODA QARAN  “ lagu qabto madal dhex-dhexaad ah “ National Academy”. Waxa kale oo go’aan  wada jir ah soo saaray  saddexda Xisbi Qaran. Heshiiskaasi wuxuu soo af-jaray  muran muddo dheer jiitamaayay, bulshada Somalilandna  way ku faraxday.  Nasiib daro, heshiiskaasi wuxuu u cuntami waayay Qaswadayaasha Qasriga Madaxtooyadda “ QQM” oo lagu tilmaamo : 1) Wasiir  Xaashi  2) Wasiir  Xirsi 3) Xildhbaan  Mareexaan iyo  Marwadda kowaad. Waxay  ku  qanciyeen Madaxwayne Siilaanyo inuu  go’ankaas laga noqdo, waanu ka aqablay. Taasi waxay markhaati ka tahay in talada Somaliland ay gashay gacan kale oo aan loo igman .Go’amada is-burinyaa ee kasoo baxayaa  Madaxtooyadda &  Kulmiye, waxa hubaal ah inay Somaliland jar ka tuuri  donaaan , haddii aan la iska qaban oo aan si wadajir ah looga soo horjeesan .Waxa intaa dheer, farogelinta joogtada ah eek u hayaan Golaha Wakeeladda.
 
 
Ali Ibrahim-Baqdaadi , Toronto