QIIMAHA CADAALADA )Qormadii 1aad)


Hordhac

Allaah ayaa mahad oo dhan iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa ha ahaato waxaan kaloo umahd celinayaa saxaafada somaliland.

Diinta islaamka Cadaalada waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah Waa mowduuc aad u weyn oo xiriir la yeelanaya dhaqaalaha, bulshada, hogaanka iwm. waxaana lagu sheegay quraanka & sunaha sidoo kale waxaa jira aayado iyo xadiisyo badan oo kusoo arooray in cadaaladu tahay shay muhiim ah u ah dhismaha/jiritaanka shaqsiyadeed, qoyseed & Midka qowmiyaheedba. Fikrada cadaalada waxa ay la xiriirtaa sinaanta xaqa iyo runta iyadoo aan la isku kala saareynin sababo la xiriiro midab, dhalasho ama mararka qaar diin. Cadaaladu makala laha sareyn, nasab, hanti ama sharaf waa mid ay tahay in loo wada sinaado shaqsi walbana ay qabato si isku mid ah.

 Cadaalad in la bixiyo waa mid ka mid ah asbaabaha ay u taagnaan karto dowlad islaam ah hadiise la waayo waxaa la waayi madaxda iyo dowladaa sidii loo waayay Qadaafi iyo Xusni Mubarak. Mararka qaar waxaa dhacda dunida in cadaalada aanan la helin in badan sidoo kalana in cadaalada aysan helin dadkii mudnaa tusaale ahaan inaan si saxan bulshada xoolaheedi ama xaqeedi loogu maamulin.

 

Cadaaladu waa waajib. Erey ahaana cadaalad micnaheedu waa isku dheelitirnaan. Sida aan kasoo xiganaayo Cimlaaqi aqooneed ee masaariga ahaa Dr. Sayyid qutb wuxuu yiri cadaalada bulshadeed waxa ay ka kooban tahay seddex sheey:

1) In qofka xurnimo dhameystiran u lahaado dareenkiisa/keeda.

2) In bani’aadmigu sinaado {Waxyaalaha Qaar} 

3) Isku xirnaanta bulshada taasoo micnaheedu yahay kasoo bixida masuuliyada bulshadeed micnaheeduna ma aha dareen ahaan ee waa qaadida ficilo dhab ah sida bixinta zakada Hadiise ay jirto in ay baahida bulshada kaafin weydo waa in lacag dheeri ah laga qaadaa dadka wax heysta.

 

Aad baad umahadsantihiin dhammaan saxaafada Somaliland  Qalinkii:Abdifatah Basher Hassan

basherson@gmail.com

burao.togdheer,somaliland