Re: XISBIGA WADDANI OO DEDAFEEYAY EEDAYNTII LABADA GUDOOMIYE KU XIGEEN EE GOLAHA WAKIILADDA.

Faysal

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan dadwaynaha reer somaliland debad iyo gudaba, waxaannaan ku salaamayaa salaanta ISLAMKA EE ASALAMU CALAYKUM.


Waxaanu halkan ka canbaaraynaynaa hadalkii ka soo yeedhay labada gudoomiye ku xigeen ee golah wakiilada  ay warbaahinta ka sheegeen in XISBIGA MUCAARIDKA AH EE WADDANI  inuu shirarkiisa ku qabsado xurunta golaha wakiilada.
Waxaanu aad iyo aad uga xunahay inuu hadalkaas oo kale ka soo yeedho masuulintii ugu saraysay golaha sharci dejinta waana wax laga xumaado, waxaan leenahay labada gudoomiye ku xigeen XISBIGA MUCAARIDKA AH EE WADDANI xafisyada iyo xarumaha wuu adduunyada dacaladeeda ku leeyahay boqolaal bay kor u dhaafeen oo magaalada Hargaysa oo keliyaha xafisyada iyo xarumaha uu Xisbigu ku leeyahay baa ku filan.
 
Waxaanu qabnaa hadalkaasi inuu meelkadhac ku yahay XISBIGA MUCAARIDKA AH EE WADDANI iyo taageerayaashisa oo dhan,
Waxaanu qabnaa hadalada iska hor imanaya iyo hab dhaqanka   labada gudoomiye ku xigeenada golaha wakiilada inoo sharf dac  iyo karamo daro ku yahay golaha wakiilada iyo qarannimada SOMALILAND.
Waxaynu wada ogsoonayn inuu gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiladu Cali yusuf  warbaahinta ka cadeeyay inuu la ogalaaday gudoomiyaha isku shaandhaynta guddi hoosadka , ka bacdina yidhi waan il duufay oo  ma ogoli  taas oo ah wax laga xumaado inuu nin masuul ah habkaas oo kale u dhaqmo.
Waxaynu ogayn markii Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ku eedeeyen inaanu gudoomiye Cabdiraxmaan laba xil isku hayn karin inuu gudoomiye ku xigeenka koowad Baashe eedaynta diiday oo uu warbaahinta ka sheegay inuu sharcigu u banaynayo inuu labada xil isku hayn karo, waxaa ayaandaro ah inuu maantana Baashe ku eedaynayo laba xil buu Cabdiraxmaan isku hayaa.
Waxaanu qabnaa sharf dhacaa iyo hadaladaas iska hor imanaya jawaabteedu inay u taallo Xildhibaanada Golaha Wakiilada inay wax ka qabtaan .
Waxaanu halkan ka canbaaraynaynaa faragelinta ay maxkamadu ku samaynayso golaha wakiilada, iyada oo aynu ognahay inay yihiin laba hayadood oo kala madax banaan.
Waxaanu ka Xisbi ahaan taageersanahay goaankii ay golaha wakiiladu ku ansixyeen guddi hoosadkiisii oo aannu u aragno inay xildhibaanadu mareen waajibadkoodi iyaka oo midaysan oo ka koonan saddexda xisbi qaran taas oo aanu odhan karo waa markii ugu horaysay ee ay sidaas oo kale u midooban hambalyo aynu leenahay.
 
Waxaanu marwalba ka digaynaa wax aliyaa iyo wixii abuuraya khalkhal iyo xasilooni daro oo ay ugu horayso faragelinta hayadeheena saddexda ah [ Xukumad,barlmaanka iyo garsoorka] inay midi ta kale farogeliso.
Dadwaynaha reer Somalilanda waxaanu markastaba ku baraarujinaynaa inay il dheer ku eegaan halka ay faragelintani ka soo burqanayso iyo inamadii qalqaaliga ah ee uu guddoomiye Cabdiraxmaan sheegay.
 
ALLA MAHAD LEH
 
Faisal farafidiye
Golaha Fulinta
ee Xisbiga Waddani