Sebi Iyo Haween Kulay Ku Tahay Seexo Laga Waaye Subax Noolba Wixii Soo Kordhay War Isku Siiyaane.? Qalinkii C/risaaq Suudi Nuur

Sebi Iyo Haween Kulay Ku Tahay Seexo Laga Waaye Subax Noolba Wixii Soo Kordhay War Isku Siiyaane.? Qalinkii C/risaaq Suudi Nuur

untitledWaxa La Yaab Leh In Waddankii Somaliland Uu Wada Noqday War Saxaafaddeed Oo Ay Habar Waliba Inta Ay Geed Hoostii Ama Gidaar Fadhiisatay Hctv-na U Yeedhatay Ay Fatahnto Oo Waxay Doonayso Iskaga Haddasho, Iyada Oo Ujeedaduna Tahay In Cadowga Somaliland War Bixin Loogu Gudbiyo, Iyada Oo laga Dhigayo In Somaliland Belaayo Ka Jirto Oo Aanu Xaalku Fiicnayn,

Meeshuna Ay Bur Buri Rabto, Iyada Oo Weliba Kuwa Sidaa U Hadlayaana Ay In Badan Oo Ka Mid Ahi Ay Ku Jiraan Golayaasha Qaranka Somaliland, Sida Golaha Wakiilada Iyo Guurtidaba Oo Ay Weliba Mushahar Ka Qaataan Dawladda Iyo Qaranka Ay Caayayaan Ee Ay Bur Burintiisa Ku Foogan Yihiin, Iyada Oo Ay Fulinayaan Mashruuc Somaliweyn Ah Oo Xamar Looga Soo Dhiibey, Lana Garaanaayo, Ayna Caddahay Cidda Mashuuracan Soo Dhiibtay Iyo Meelaha Laga Hagayaba. Mashruucani Kuma Eeka Oo Keliya Kooxda Kor Ku Xusan Oo Keliya, Balse Waxa La Dhaq Dhaqaajiyey Kooxo Isku Magaacaba In Ay Yihiin, Guddiyo Beeleedyo, Salaadiin, Iyo Qaybo Ka Mid Ah Warbaahinta Iyo Mareegaha Wararka Oo Ay Inta Badan Beelo Gaar Ihi Leeyihiin,

Warbaahintaas Iyo Mareegahaas Oo Inta Badan Lagu Fuliyo Danaha Iyo Rabitaanka Kooxahan Isbiirsaday Ee Aamisan Mabda’a Somaliweyn, Mashruucana Ku Soo Qaatay In Ay Somaliland Tashuush Ku Furaan, Oo Ay Ka Dhigaan Meel La Isku Haysto, Iyada Oo La Ogyahay Meelaha Koohan Laga Hagayo Ee Laga Soo Taabtay, Iyada, Waxaan Kale Oo Aan Ognahay In Kuwa Hadda Meelahaa Ka Qaylinaya Ee Leh Somaliland Ha La Badbaadiyo, Uu Dadkoodii Xamar Isku Shubay, Hadday Tahay Siyaasi, Askar, Arday, Aqoon Yahan Iyo Baayac Mushtarba, Ayna Yihiin Dadka Ugu Badan Ee Maanta Lagu Dhex Arkaayo Xafiisyada Iyo Suuqyada Magaalada Muqdisho.

Haddaba Miyaan La Odhan Karin, Dadkan Meel Walba Ka Qaylinaya Ee Joornaalidii Iyo Tv-dii Somalida Loo Nacay Qayladoodii Hadallada Bilaa Xigmada Ah Ee Ay Ku Hadlayaan, Waxay Ku Qarinayaan Mashaariicda Iyo Ujeedooyinkooda U Qarsoon Ee Arrimahooda Ku Wajahan Mashruucii Federalism-ka Iyo Somaliweyn Ee Marar Hore Lagu Fashilmay Oo Hadda Boodhka Dib Looga Tumay, Balse Kooxdan Ayaad Moodaa In Ay Wax Badan Moogan Yihiin, Iyada Oo Ay Ka Maqan Tahay Inta Ay Tv:yada Ka Qaylinayaan, In Iyagana Lagu Maqan Yahay Oo Macluumaadkooda Rag Ka Ururinayo Oo Ladaba Socdo Debed Iyo Gudoba, Xataa Xamartaa Ay U Yaacayaan Qudheeda La Joogo.

Qalinkii C/risaaq Suudi Nuur.
EMail: suudi88@gmail.com
Tel:4425243