SHACABKU MUXUU HOGAAMIYIHIISA KU NACAA AMA KULA COLOOBAA ?

calimaxamedbiixi

Bulsho maxay hogaamiyaheeda ku nacdaa ama kula colowdaa ?
Horta waxa weeye in uu hogaamiyuhu noq indheer garad ,lehna aragti dheer , waa inuu heystaana kalsoonida shacabka . waa inuu noqdaa mid ay bulshadu ka sugeyso horumar iyo in la helo rajo fiican , kuna kalsoon yihiin .
Hadaba goormay bulshadu nacdaa ama la colowdaa hogaamiyahooda ?
 maxaase sababa ? ama keena nacaybkaa ? iyo colaadaa ?
WAXA KA MID AH :1- in uu kursiga xoo ku yimaado .
3-In aanu hayn barnaamaj siyaasi ah oo uu dalka ku hogaamiyo , oo aan laga sugeyn rajo iyo mustaqbal toona .
3- in uu jagooyinkii sare oo dhan reerkooda ku taxo ama kuwa munaafiqiinta ah .
4- in uu xilalka u dhiibo qaab aan u qalmin , oo isku meeraysanaaya . oo u qalmin .
5-marka uu urursado iskuna xeero , qaar isaga ka liita .
6- marka ay ogaadaan inuu been u sheegaayey , xiligii uu codkooda doonaayey .
7-marka uu waxba ka fulin waayo , balamadii uu ugu ballan qaadey , xiligii uu codkooda doonaayey .
8-marka uu bulshada khilaaf iyo sharci ku tumasho iyo sharci ku adeegsi uu ka bixi waayo .
Arimahanu waxay keenaan in aanu la xisaabtami karin , xisaabina karin xukuumadiisa , haddii ay khaladyo galaan , ama ay shaqadooda gudan waayaan .
SHCABKU wuxuu kaloo nacaa (la coloobaa ) hogaamiyihiisa marka uu talada iyo tusaalaynta ka dhegeysan waayo aqoon yahanada -wax garadka -indheer garadka – cidkasta oo dalka iyo dadkiisa jecel (daneeyana) .
marka uu qaadan waayo aragti (ra yi ) kasta oo wanaagsan .
marka uu diido arin kasta oo kiisa ka duwan , kana fiican , ee uu qaadan waayo .
MARKAANA waxa dhacda in xisbiyada mucaaradku iyo saxaafaduba ay ugaadhsadaan sheegaana khalad kasta oo uu sameeyo .
waxaynu ku jirnaa casrigii warbiihinta , oo uu warku meel kasta ku gaadhaayo wakhti yar , saxaafadana lama joojun karo lamana cabudhin karo .
Hadaba intaan xeedho iyo fandhaal kala dhicin , waa inuu hogaamiyuhu ,intaanu dhicin ama la ridin ama aanu cararin , waa inuu qirtaa khaladaad kiisa uu galay , kana noqdaa , shacabkana raali gelin waydiistaa iyo inay saamaxaan , sidii uu u sixi lahaa khaladaadkiisana sheegaa .
waa inuu gudiyo wax saxda sameeyaa , oo madaxbanaan , oo xor ah , oo si xalaal ah wax u saxda .
waxa dhici karta inuu shacabku iska saamaxo , laakiin taariikhdu way qori khaladaadkiisa  .
Haddii uu khaladkiisa ku sii socdo , siday baarlamaanka – xisbiyada mucaaradka u waxa shaqayn doonaan , sidee buu dalka u sii hogaamin karaa , saw nabad gelyo xumo iman mayso , iyo wada shaqayn la aani .
sidey wada shaqayni u sii jiri kartaa haddii hogaamiyaha shacabku naco , oo la coloobo .
 
CALI MAXAMED BIIXI      caliwwelli”hotmail.co.uk