SHIRKADIHII BATROOLKA KA QODI LAHAA S/LAND OO OGOLAADAY IN AY XUKUUMADDA S/LAND KU QASBAAN IN HESHIISYADOODA LA HORKEENO BAARLAMAANKA SOMALILAND KAHOR INTA AANAY HAWSHA BILAABIN.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UCID, Mudane Yusuf Budle oo qiray in ay toos ula xidhiidheen Shirkadihii Dawladda Somaliland Heshiisyada Batrool Qodida la Galay………..

Waxa aan maanta nasiib u helay in aan waraysi kula yeesho khadka tilifoonka Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee UCID, Mudane Yusuf Budle. Aniga oo daba socda warar aan beryahaaba aad u maqmaqlaynay oo sheegayay in xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Wadani ay si toos ah ula xidhiidheen shirkadaha qoda badroolka ee heshiiska la galay xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo. Hadaba waraysigaygii waxa uu u dhacay sidatan.
Su’aal: Xoghaye waxa aanu maqmaqlaynaa in idinku mucaarid ahaan, UCID iyo Wadaniba, aad toos ula xidhiidheen shirkadaha waaweyn ee heshiiska la galay dawladeena Somaliland, gaar ahaan kuwa badroolka qoda, maxaa ka jira arrintaas?
Yusuf Budle: Ugu horayn inta aanan ka jawaabin su’aashaada waxa aan jecelahay in aan tacsi u diro dhamaanba dadweynaha reer S/land meel kasta oo ay joogaan iyo qoyskii iyo qaraabaddii ay ka geeryoodeen dadkii lagu laayay mudaharaadaddii beryahaaba ka socday Burco iyo Hargeysa. Waxaanan ilaahay uga baryayaa marxuumiintaas in uu naxariistii janno ka waraabiyo.
Haddii aan usoo laabto jawaabta su’aashaada: Anigu uma hadli karo xisbiga kale ee mucaaridka ah, laakiin anaga UCID ahaan jawaabtu waa: Haa, oo waanu la xidhiidhnay saddex ka mid ah shirkadahaas badroolka qoda ee heshiiska aan dhamayka tirnayn la galay xukuumadeena, sababta ugu weyna waxa weeyi laba arrimood: (1) Heshiisyadaas oo aan haba yaraatee sax ama sharci noqonayn ilaa laga ansixiyo baarlamaanka S/land, mana aha wax aanu anagu iska leenahay ee Constitution-ka Somaliland ayaa sidaas dhigaya, waxayna noola eekaatay in aanu fariintaas gaadhsiino shirkadahaas si aan hadhoow isku dhac u iman. (2) Maadaama ay dawladanu heshiisyadan sir ka dhigtay anaguna aanu nahay dawladdii mustaqbalka, run ahaana kursiga ay naga xigto 18 bilood oo keli ahi, waxa aanu go’aansanay in aanu isu sii diyaarino urursiga xogaha dhamaanba heshiisyada ay dawladanu la gashay shirkadaha dibedda.
Su’aal: Dawladda Somaliland ma saddex shirkadood ayay mid walba heshiis la gashay? Maxayse kala yihiin heshiisyadaasu?
Yusuf Budle: Kolay anaku ma wada ogin inta shirkadood ee ay heshiis la gashay, waayo heshiisyada ay la gasho shirkadaha caalamiga ah, noocay doonaanba ha ahaadeene waxa lagu kala saxeexdaa qol gaar ah oo laydhkana loo bakhtiistay, laakiin inta aanu ognahay waxa heshiisyo kala duwan lala galay 21kii sanno ee ugu dambeeyay ilaa 11 shirkadood oo ah kuwa badroolka qoda, waxase inta aanu ka war hayno ay dawladdan hadda jirtaa heshiisyo toos ah la gashay ilaa todoba (7), sida: Asante Oil oo xeshiis hoosaad la sii leh shirkadda Genel

Energy, RAC Gass LLC oo laga leeyahay Imaaraadka, Jacka Resources oo laga leeyahay Australia, DNO International oo xarunteedu tahay Norway, OPHIN Energy PLC oo iyadana dhawaan dhul dheeraad ah loogu sii daray intii ay hore u haysteen. Waxa kale oo iyana jirta shirkad la yidhaa Sterling Energy.
Waxa la yaab nagu noqotay markii aanu aragnay in shirkadahaas dhamaanba lala saxeexday heshiisyada caalamiga ah ay qaarkood is burinayaan oo isku blog keliya loo wada saxeexay laba shirkadood oo kala duwan.
Su’aal: shirkadahaas aad la xidhiidheen ee marna 11ka noqonaya , marna 7da noqonaya, kolba siddii loo xisaabiyo, waa kuwee. Si kale aan u idhaahdee saddexda shirkadood ee aad la xidhiidheen waa kuwee, ma noo magacaabi kartaa?
Yusuf Budle: Waxaan filayaa in ay fiican tahay in aanaan hor boodin sheegsheegidooda, waayo saddexda shirkadoodba way nala qaateen aragtida ah in heshiiskooda la horgeeyo baarlamaanka si ay u sharciyaysnaadaan, gaar ahaan shirkadda haysata heshiiska ugu weyn. Marka dhawaan waxa aydun saxaafadda ka arkidoontaan warar arrinkaas kusaabsan. Marka ha iga degdegin.
Su’aal: Waxa aad sheegtay in kursiga looga taliyo dalka ay idinka xigto muddo 18 bilood oo keli ahi, maxaad uga jeedaa?
Yusuf Budle: Dawlada haatan joogta waxa uu wakhtigeedu ku eeg yahay June, 2015. Waxa inaga xiga’uun sanadkaa 2014 oo dhan iyo 6daa bilood ee sanadka 2015. Marka, waxa aan hubaa in aan shicibka Somaliland oo caafimaad qabaa dib u dooranayn dawladan aynu aragnay meesha ay geysay midnimaddii shicibka reer S/land, dib usoo abuurtay qabyaaladdii laga bogsaday 23 sanno kahor. Siyaasaddeenii Arrimaha dibedu meesha ay marayso waad arkaysaan: Iska daa madaxweynaha Somaliya’e in meesha aynu marayno waxa inoo soo jawaabayay, oo aad TVyada ka daawateen wasiiru dawle dawladda Somaliya kamid ah, oo sheegay in dawladda Somaliya aanay mar dambe soo hor fadhiisanayn xukuumadda Somaliland oo uu kusheegay maamul-goboleed . Waynu aragnaa in madaxweynaheenii meel lala fadhiisiyay madaxweynayaashii maamul-goboleedyada Somaliya, sida Punland iyo Jubaland (Dabaaldeggii Jigjiga).

Marka run ahaan anaku xisbi ahaan, gaar ahaan wasaaradayda Arrimaha Dibeddu waxa ay si xoog leh u bilowday isu diyaarinta ka midho dhalinta hamigii 3 Million ee reer Somaliland ee ay kaga hungoobeen maamulkan hadda jira.
Su’aal: Waxa aad si xoog ah u dhaliishay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland, dadka qaarse waxa ay ku doodaan in hadda loo dhiibay wasiir khabiir ah oo ay meel fiican marayso?
Yusuf Budle: Kolay wasiir Biixi anigu ixtiraam weyn ayaan u hayaa, wax ceeb ahna uma hayo. Waxase aynu ognahay in wasaaradda aanu run ahaantii u madax banaanayn, uuna iska yahay maqaarsaar. Awood uma laha in uu safiir bedelo, awoodna uma laha in uu safiir magacaabo. Bal waxa aad ii sheegtaa waxa iska bedelay wasaaradda Arrimaha Dibedda tan iyo intii la magacaabay wasiir Biixi? Ma jirto, right? Marka haddii aanay waxbaba iska bedelin, su’aashu waxa weeyu: Muxuu kusoo kordhiyay?
Su’aal: Haddii aad doorashada ku guulaysataan oo aad noqoto wasiirka Arrimaha Dibedda, maxaad ka bedeli lahayd sida ay wax u socdaan?
Yusuf Budle: Illaahay ha ina gaadhsiiyo horta. Laakiin ugu horayn waxa aan aaminsanahay in wasiirku xor u ahaado magacaabidda, xil ka qaadidda iyo la xisaabtanka safiiraddiisa. Waan ogahay in Constitutionkeenu awoodaas siinayo Madaxweynaha oo keliya, laakiin waa awood uu madaxweynuhu isu sii dhaafin karo wasiirka, haddii uu rabo in ay wax kala socdaan . (2) Aduunka waxa jira hal quwad oo aduunka intiisa kale ku dabo faylaan, waa Maraykanka. Awood badan ayaan saari lahaa Maraykanka, halka kolba safiir yar oo ka xishoonaya in uu magaca S/land ku faano oo qaraabonimo ku yimid loo dirayana waxa aan isticmaali lahaa qolooyinka loo yaqaan “Lobbyist” oo intooda badan ah sharciyaqaano gudaha ugu jira systemka iyo dawladda Maraykanka. (3) Dalalkii la daayacay, ee ina ogolaa, ayaan safiiro buuxa u diri lahaa. (4)Qurbo-jooga reer Somaliland ee albaabada laga xidhay, loolana dhaqmay si ay yihiin cadaw ayaan soo dhawaysan lahaa oo aan ka dhigan lahaa in uu mid kastaaba noqdo qof dalkiisii metela, u dooda, u dagaalama. Nus-milyanka reer Somaliland ee aduunka ku firiqsan waxa uu nin walba iyo gabadh walbaa noqon lahaayeen safiiro sharafeed dalkooda u maqan, sidda ay dalalka inaga ilbaxsan ee xaaladda aynu ku jirno mid la midda ku jiraa yeelaan sida Israel, iwm.
Su’aal: Ugu dambayn, waxaan filayaa in aad dalkii kusii jeedo, goormaad tegaysaa? Muxuuse socdaalkaagu ku salaysan yahay?
Yusuf Budle: Waa runtaa oo waan sii jeedaa. Waxa keliya oo aan sugayaa balan aan la leenahay qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ee dawladda dhexe ee Maraykanka oo aanu hore usii shaacinay, kuna beegan 6da January. Wixii taas ka dambeeya, Insha allah dalkii ayaan usii jeedaa. Waxa uu ku salaysan yahay: Arrimo badan oo khuseeya hawlihii aan ku mashquulka ahaa lixdii bilood ee ugu dambeeyay, gaar ahaan xidhiidhka dalkeenii iyo dawladda Maraykanka, oo waxa jira madax reer Maraykan ah oo aanu dalkii ku casunay, gogol-xaadhkoodana aanu u sii hawl gelayno. Xisbigayaga oo galay wajigii u diyaar garoowgii la wareegidda maamulka dalka ( 18kii bilood ee kala guurka), taas oo lagama maarmaan ay tahay in la dhamaystiro wixii ka dhinnaa, sidda xubnihii golaha dhexe iyo gudidda fulinta, iwm.

C/Fataax Aden Xuseen, UCID Media, UK