Taageerayaashii Urur Siyaasadeedkii XAQSOOR Oo Xisbiga Mucaaridka Ee WADDANI Ku Biiray+Sawiro.

Hargeysa(SM)Dec.11, 2013-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa maanta soo dhawayn balaadhan u sameeyey tageerayaal ka socday xaafada Axmed dhagax iyo gobolka Hawd oo Sheegay in ay taageeradoodii iyo cududdoodiiba la barbar taagnaan doonaan xisbiga mucaaradka ah ee WADANI. 

Soo dhawaynta ay xisbiga wadani usameeyeen tageerayaasha ku soo biiray xisbiga wadani  oo ka dhacday Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha xisbigaasi iyo waliba hogaanka kale ee xisbiga Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex ee Xisbiga WADANI Saalax Muxumed Idiris, waxaanu yidhi “Waxa aynu maanta halkan ufadhinaa inaanu kusoo dhawayno tageerayaasha  xaafada axmed iyo Gobolka Hawd oo maanta si rasmi ah tageeradooda ku soo biiriyey xisbiga mucaaradka ah ee wadani, halkan maanta waxaan ka saxayaa inaanay kusoo biirin xisbiga wadani ururka xaqsoor lakiin waxa ku soo biiray teegarayaasha  degan xaafada Axmed Dhagax iyo gobolka hawd oo maanta laga bilaabo hiil iyo hooba la hortaagan xisiga mucaaradka ah ee wadani.

“Maanta aniga shiine ahaan iyo inta ka mid ahaan jirtay xisbiga wadani ee ka soo jeeday dagmada Axmed Dhagax maanta anaga farxad wayn ayey nootahay waana guul wayn oo usoo hoyatay xisbiga wadani,xisbiga wadani layidhaa waa xisbiga kaliya ee dagmada axmed dhagax tageerad wayn  ka helay markii uu ururka ahaa maanta oo uu xisbi yahay lagama yaabo inuu kawaayo tageerayaal,Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Ee Xisbiga Wadani Waxa uu jawaab adag ka bixiyey masuuliyiin ka mid ahaa ururka xaqsoor oo ku biiray xisbiga kulmiye Kuwaas oo tilmaamay Qaar ilaaway Boogihii dhaymada u baahnaa” ayuu yidhi.

“waxaan halkan ka sheegayaa maalin dhawayd sidaad maqasheen qaar isku sheegay in ka mid ahaayeen kuwii aasay ururkii xaqsoor ayaa ku biiraya xisga kulmiye waxa ku biiray may jirin ee dadka ayuunba yool habaabin ku wadeen,waxaan maanta halkan idiinka cadaynayaa oo aan idiin sheegayaa dadku marka ay tahriibaan waxa ay odhan jireen magafe ayaa naxidhay,kuwan tahriibay ee utagay xisbiga kulmiye ee yidhi magafe ayaa naxidhay waar sidaynu u ilaalinaa waa yaabe,hadaba xisbigan wadani layidhaa magafe majoogo dad sida kulmiye dug isku yidhaahna majoogaan waxa jooga ninkaas masuulka ah ee aan cidna dhib ugaysan lakiin kulmiye waydinkaas arkaya oo cidii utagta ilaaho halkay mareen hana marin ayaanu leenahay.Guddoomiya Xisbiga Wadani Ee Gobolka Maroodi Jeex Oo hadal kiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”Guddoomiyaha sadeexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray Waxaanu leenahay waanu kuusoo gurman lahayn ee xaafadii la odhan jira Axmed Dhagax waxa isku haysta Qaar la baxay magafayaal waxaan idin leeyahay inamadii ku dhintay xaafada axmed dhagax ee sida arxan darada ah xabada loola dhacay faataxada haloo maro Ayaan idin odhan lahaa,waxaan wali layaabanay kuwii arkaayey Ragii Caruurtooda Lalaayey ee maanta dhex hawaarsaday xisbiga kulmiye waar siday udhexe fadhiyi karaan waa arin Ayaan daro ah.

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Cabdi Diiriye Oo Ku Hadlayey Magac Qurba jooga waxaana uu yidhi?waxa ladoonayaa shacaboo inaad iswaydiisaan halka ay somaliland marayso 21sanadooda ilaa 22sanadooda ayeynu ku jirnaa waxa ladoonayaa inaanu iswaydiin xukuumada kulmiye waynu dooranay ee ma uqabsoomay maxaa inga qabyo ah maxaynu doonaynaa ina aynu badalno waxa aynu maanta doonayna xukunka am cid ay maanta taladu gacanta ugu jirto in la iswaydiiyo,hortu xusbigan maanta talada hayaa waxa alaale waxa uu wadanka ka qabtay anigu waan garan waayey ee bal dab haliskugu noqod oo shacaboo haloo fiirsado dawlada maanta talada inoo hays Ayaan odhan lahaa anigu,dadkii la odhan jira waxa lagu masquuliyey marba dhagax yaroo meel dhagi taas waxa odhaan lahaa waar adeerow dadka ha qaldina dhagax yar oo aad meel dhigtaa dadka iyo dalkaba waxba umasoo side,xisbiga kulmiye taas waxa uu uga jeeda dhagax yare e marba meel lagu malaasayo waa arin kaanbayn oo doorashada ayaa uu doonayaa dhagaxaas magaalada buux dhaafiyey inuu dadka ku beer laxawsto dadka somaliland waa dad waxqabsan jira waa dad aan dhagax lagu khaldayo loo dhigi jirin.

Dhica kale waxa uu fariin adag udiray xisbiyada mucaaradka ah taas oo ku dhiiri galiyey inaanay ubeer jileecin xukuumada dhagax malaaska ah waxaana uu yidhi?waxaan maanta idinku dhiirinayaa labada xisbi mucaarad ee daabka dabadeeda haya in ay mucaaradada adag kala hortagaan xisbiga kulmiye oo dalkii ka bilaabay boob siyaasadeed,cabdiraxmaan ciro waa kaas oo wuu imaqlayaa tageerayaashuna way imaqlayaan ee dalku halkii uu 1992kii uu marayey meel aad uga hoosaysa ayaa uu marayaa ee xisbiyada mucaaradka ahi dalka ha ugurmadaan Ayaan odhan lahaa.

Cabdi xakiin Maxamuud Laan-gadhe oo isna ka mid ahaa xildhibaanadii golaha degaanka ee hore oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi?maanta oo arbaca ah anaga oo isku duuba oo ah jamaahiirtii xaafada axmed dhagax oo iswata waxaanu tageero buuxda uhaynaa xisbiga wadani maanta laga bilaabo xisbiga wadani waxa uu ka mid yahay xaafada axmed dhag,markaanu wada eegnay axsaabta dalka ka jira waxaanu qaadanay anaga oo isku duuba dagmada axmed dhag inaanu hiil,iyo hooba la garab istaagno cabdiraxmaan ciro oo sida cadceeda usoo ifaysa inuu noqon doono madaxwaynaha somaliland ee badali doono xukuumada kulmiye dalka iyo dadkiiba boobtay,wadanka somaliland waxa uu ubaahanyahay isbada siyaasadeed isbadalkaasina waxa weeyaan inaanu tageero buuxda la garab istaagno madaxwaynaha mustaqbalka ee xisbiga wadani.

Waxa isna halkaasi ka hadlay Agaasimihii hore ee dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland mustafe Qodox oo horkacayey tageerayaasha kusoo biiray xisbiga wadani oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa yidhi?dad badan oo waxaad maqasheen odhan jiray waxaanu kasoo gonay xisbigaas iyo ururkaas lakiin tani maanta way ka duwantay taas lasheegayo waxa weeyaan xisbiga mucaaradka ah ee wadani ayaa waxa tageeradoodii ay uhayee xisbiga kulmiye kala noqday ka diban ula noqday xisbiga mucaaradka ah ee wadani,dadka maanta halkan kusoo biiray xisbiga wadani waxa weeyaan dagmadii axmed dhagax oo dhan iyo gobolkii Hawd oon cidi ukala hadhin maanta laga bilaabo waxaanu ka mid nahay xisbiga wadani.Aamina Cabdilaahi Kaahin oo Iyana halkaasi ka hashay ayaa waxa ay sheegtay in mujaahidiintii SNM ay ku dulmanyihiin Somaliland oo xukuumada kulmiyana indha-ka qarsatay waxaana ay tidhi “barigii hore halkii aanu raacnay ayaa foostay maantana waxaanu raacnay xisbiga wadani oo foosaya lakiin waxa Ayaan daro ah ninkii qabo ee aanu kusoo heshiinay inuu galoo xisbiga wadani eek u biiray xisbiga kulmiye isaga oo dantiis utudhay oo is leh yaan xabsiga lahu dhign waan arin ay calooshu iga xanuuntay caruurtoodii oo wali dhakhtarada ku jira in ay maanta go,aan ku gadheen in ay ku biiran xisbiga kulmiye waxaan leeyaha qabooy maanta kamaan sugayn inaad ku biirto ragii sidaan ogaa inoo galay,lakiin waxaan ku leeyahay maanta guushu waa wadani ee halasoo raaco.

Gabogabadii waxa isna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro Waxaana uu yidhi?marka hore waxaan maanta jaaniska uga faa,iidaysan doonaa inaga oo ku hadlaya magaca xisbga wadani iyo magaciina inaan tacsi udiro madaxwaynihii hore ee somaliland Mudane Daahir Riyaal Kaahin oo hooyadii ku geeriyootay Gobolka Hawdal,Runtii kalmadihii halkan laga yidhi wax aka mid ahaa ifa-faalad guusha oo uu yidhi maayar ku xigeenkii caasimada hargaysa,waxa ka mid ahaa sahanka guusha oo ay hidan  jaamac tidhi,waxaanu leenahay sahankii aanu sahaminay waynu ku guulaysanay madaama oo aynu helnay xaafada axmed dhagax iyo gobolka hawd oo isku duuban tageeran noo haya xisbiga  wadani,waxaan madasha kusoo dhawayn doonaa tageerayaasha xaafada axmed dhagax oo wata gobolka hawd oo maanta nagu biiriyey wixii ay tageero noo hayeen.

Dhinaca kale waxa uu Guddoomiyuhu ka hadlay Doorashada Iyo axsaabta qaranka waxaana uu yidhi ?waxaan doonayaa inaa ka hadlo doorashada iyo diiwaan galinta axsaabta qaranka Guddida doorashooyinka iyo xukuumada oo ay matalayso wasaarada arimaha Gudaha somaliland waxa ay isla waafaqeen in labada arimood qaranku ubaahanyahay,inshacabka somaliland loo sameeyo diwaan galin ay ku codeeyaan iyo in lasameeyo diwaan galin lagu tiro koobayo dadka waraaqo ayey dhawr jeer saxeexeen sidaa warbaahinta kala socoteen,deeq-bixiyayaashu way soo dhaweyeen,madaxwaynaha somaliland isna waxaanu mahad naq-balaadhan ka siinaynaa waraaq uu qoray uu isna ku tageerayo.

Dhica kale waxa uu usoo jeediyey wasiiro ka tirsan xukuumada kulmiye oo aan doonayn ayaa uu yidhi in ay dhacdo doorashadu in ay ka digtoonaad arintaasi waxa kale uu ka hadlay falkii lagula kacay musharax madaxwaynaha ee xisbiga ucid lagaga horjoogsaday inuu galo magaalda gabiiley inuu ku tilmaamay arin nasiidaro oo xukuumada kulmiye bilawday waxaan uga digay in ay ku dhaqanto arimahaas oo kalaa waxa kale uu sheegat hadii ay kusii socoto ay la go,idoonto xukuumada kulmiye.