Taladaan laruugin waa lagu rafaadaa! Taladii xirsi uu cashuurta ku kordhiyay ee aan laga fiirsan waa taas maanta hargeysi la ooman tahay!

maqaal

Tan iyo markii uu soo diyaariyay wasiirka madaxtooyadu xirsi cali xaaji xasan xeerkii loogu magac daray ee la odhan jiray xeer xirsi ee ku salaysanaa in cashuurta lagu kordhiyo gaadiidka iyo xoolaha nool ayay dad badani waxay u arkaayeen inaanay bulshadu qaadi Karin cashuurtan lagu kordhiyay maadaama oo labada shay waa gaadiidka iyo xooluhu labaduba ay aad u jilcsan yihiin oo dadka gaadiidka wataana ay yihiin dad danyar ah oo nolol maal meedkooda wax dhaafsiisan aan kahelin gaadiidka ay wataan badankooduna ayba shaqo la yihiin oo wado xumo iyo waxay qaadaanba la yihiin,
 
halka xoolo dhaqataduna aanay qaadi Karin cashuur intaas le,eg oo ay yihiin kuwa umada ugu jilicsan! xukuumadu waxay xeerkaas ugu ololaysay markii baarlamaanka la keenayay in cashuurta la qaado lagu dayac tiri doono wadooyinka way fiican tahay in xukuumadu ay la timaad barnaamij dalka iyo dadka wax loogu qabanayo oo wax tarleh hadiise waxa la qabanayo aan laga fiirsan oo caadifad iyo siyaasad la geliyo oo aan laga fekerin dhibaatada ay kuu keeni karto iyo saamaynta ay kugu yeelan karto waxay ku dhaxal siin kartaa dhibaatadii markii hore ku haysay mid ka sii badan,
 
waxay tani kamid tahay siyaasadaha iska hor iyo daba imaadka ah ee xukuumadeenu ku shaqayso ee sida caadifada leh iyada oo aan ka fiirsan ay u gasho bal u fiirso wada hadalkii ay xukuumadeenu la gashay xukuumadihii isbed bedalayay ee kumeel gaadhka ahaa ee muqdisho waxay ka dhaxashay! hada ayay ku soo oodantay xukuumadeena markay reer koonfureedkii yidhaah deen wax wada hadala la gelimayno dad aaminsan inay somaliya inteeda kale ka go,aan! waxa laga kari waayay xukuumadeena waar beesha caalmaka waxaad ku qancisaan siyaasadii fiicnayd ee aynu ku soo caano maalay ee ahayd nimankaas reer koonfur wax wada hadala la furi mayno ilaa intay sidayada ka noqonayaan dowlad ku timaada doorasho, nimaan dalkaba xukumin oo ciidan shisheeye ah amnigiisa ilaaliyo oo gacan ku rimis ah maxaad kala hadli waa kuwaas hoos ugu dhacay meeqaamkii siyaasadeed ee aynu aduunka ka joognay! ee maalinba meel lagu shirinayo maamul goboleed lala soo fadhiisinayo! caalamku waxa uu arkay waxan aynu sheeganay ee gooni isutaaga ah inaynu ka tanaasuli karo hadii aynu wada hadal ka furo oo aanay igaba dhab ahayn!,
 
somalidu waxay tidhaah wixii deg deg iyo caadifad lagugalaa deg deg ayay ku dhamaadaan, siyaasada xukuumadeenu ku shaqaysaa waa mid sal fudud oo aad moodo in aanay hoos u sii qodnayn oo dad dhalin yaro u badani hogaanka u hayo! somalida ayaa tidhaah nimaan telin jirin haduu taliyo nimaan tegi jirin ayaa taga! odayga axmed siilaanyo ee hogaanka inoo hayaa waa nin siyaasada mudo ku soo jiray oo reer Somaliland oo maanta intan ka jilicsan oo halgankii  SNM kujira lagu aaminay oo aan loo baqayn laakiin waxa muuqata in maanta taladii dalka ay gacantiisa ka baxday oo cid aan dalka hogaankiisa loo dooran uu gacanta u galay oo weliba aan waayo aragnimo siyaasadeed lahayn! sikastaba haku yimaadeene,
 
waxa dalku u baahan yahay gurmad siyaasadeed oo dib loogu bad baadiyo waxa faraha kabaxay sharcigii dalka lagu hagaayay waataas xeerdejintii iyo maxkamadii fooda iskula firaan! waa taas xisbiyadii mucaaridka ah iyo xukuumadii wax aan sagaaro ka fiirsan shir waa laqan karaa iyo magaca ka bedel mudo waqtigu inagaga lumay! waataas mudaharaadku gobol walba ka oogan yahay! waataas xisbiyadii dadku kala taageeri jiray ee lagu faani jiray dib looga guuray oo beelo dadkii dabada la galay! waataas musuq maasuqu xadhkaha goostay ee noqotay sac laf haysta iyo mid eeganaya! hadaba intaanay ka sii darin oo meel kale ka caga taagin dalka haloo gurmado!
 
 
aadan axmed nuur