Taliyihii Jeelka Dhexe Ee Laascaanood Iyo Maxaabiis Dambiyo Culus Loo Haystay Oo Garoowe Ka Degay

Brok news

Dec 31, 2013 Laascanood(SM) – Wararka Ka Imanaya Magaalada Lascanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Lascanod iyo Koox Maxaabiis ah oo uu watay ay Dhawaan u Baxsadeen Deegaanada Puntland.

Wali Si Rasmi ah looma oga tirada maxaabiista ah ee uu Taliyuhu sii Kaxaystay, balse waxa la sheegayaa in maxaabiis dambiyo culus loo haystay uu Taliyuhu ula Goostay Deegaanada Puntland.

Xukuumadda Somaliland iyo Ciidanka Asluubta ayaa af-ka ka xidhay dhacdadan, waxaanay ilo wareedyo u dhuun daloola dhacdadani noo xaqiijiyeen in Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland saraakiil ka tirsan Hogaamada Ciidankiisa iyo laba sarkaal oo kale u diray Laascaanood si ay ugu wareejiyaan Taliye iyo ku-xigeen cusub oo loo magacaabay.

baxsadka Taliyaha Jeelka laascanod ayaa lagu ogaaday in ay maxaabiistu hortii ka baxday, waxaanay wararka soo baxayaa sheegayaan marka horeba in uu isagu maxaabiista sii daayey, isla markii uu ogaaday in bedelkiisii la keenay baadhisna lagu wado ayuu isna cagaha wax ka dayey,isagoo waliba sii daayey maxaabiis la sheegay inay Dambiyo culus qaranka ka galeen.

Taliye ku-xigeenkii Jeelka Laascaanood ayay wararku sheegayaan in Ciidanka Asluubtu usoo dhaadhiciyeen dhinaca Hargeysa halkaas oo su’aalo lagu weydiinayo.

Talaabada Xabsiga lagaga sii daayey maxaabiista iyo baxsadka Taliyaha ayaa lala xidhiidhinayaa in ay qayb ka noqon karto dabinada saraakiisha Alshabaab ku doonayaan in ay ku dhex galaan maamulka Gobolkaasi si ay mar kale fursad ugu helaan in ay Qaraxyo ka fuliyaan magaaladda.

Salaanmedia/Hargaysa