Tirada Suxufiyiinta ee Caalamka lagu dilay sanadkaan oo la soo bandhigay

image

Warbixin uu soo saaray Ururka RSF “Ururka Wariye-yaasha aan xuduuda lahayn”, ayaa waxaa lagu sheegay in sanadkaan oo kaliya caalamka lagu dilay 73 Suxufiyiin ah.

Warbixinta, ayaa waxaa lagu sheegay in 24 Suxufi lagu dilay Qaaradda Asia, iyadoo 23 kalana lagu dilay Qaaradda Afrika, waxaana weeye labada goobood ee ugu badan ee sanadkaan lagu ugaarsado Suxufiyiinta.

Dalalka Mexico iyo Brazil oo dhaca Qaaradda Latin America, ayaa waxaa isku gayn sanadkaan lagu dilay 5 Suxufi, iyadoo kuwo kalana ay halis ku galeen.

Dalalka Somalia, Pakistan iyo Syria, ayaa waxaa Warbixinta lagu sheegay in ay kaalmaha hore kaga jiraan dalalka sida aadka ah loogu dilo Wariye-yaasha, iyagoo hawlahooda shaqo ku guda jira.

Warbixinta, ayaa xustay in Wadamada India iyo Philipine, ay qayb ka noqdeen dalalka dhaca Qaaradda Asia, ee u nugul in lagu waxyeeleeyo Suxufiyiinta.

Warbixinta, ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in dilalka Suxufiyiinta ee sanadkaan la dilay, ay geysteen Ciidamada amniga iyo Xoogaga Islaamiyiinta ah, ee la dagaalanka kula jira Dowladahooda.

Ururka RSF, ayaa waxay Warbixinta ku sheegeen in Suxufiyiinta sanadkaan la dilay, ay 20% ka yar yihiin kuwii la dilay sanadkii 2012-kii, ee aanu ka soo gudubnay.

Salaanmedia/London