War culus:Nicholas Kay oo Canaan adag oo ku saabsan Dagaalada Sh.Hoose u jeediyay Xakuumada Xasan Sheekh Culusow

War culus:Nicholas Kay oo Canaan adag oo ku saabsan Dagaalada Sh.Hoose u jeediyay Xakuumada Somalia ee Xasan Culusow
nicholas-70x70

War culus:Nicholas Kay oo Canaan adag oo ku saabsan Dagaalada Sh.Hoose u jeediyay Xakuumada Xasan Culusow

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaliya Nicholas Kay ayaa ku canaantay dowladda Xasan Culusow in  ay ku lug leedahay dagaalada ka socda Sh.Hoose, Hiiraan iyo Shabellada Dhexe.

Warmuriyeed ka soo baxay xafiiska Nokolas Kay ayaa ku eedeeyay Dowladda in aysan si dhab ah wax uga qaban sidii loo joojin lahaa dagaaladaas.

Nicholas Kay ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Dowladda ee ku sugan gobolada lagu dagaalamayo saysan ahayn kuwo loo dhan yahay oo ay beelo gaar ah yihiin.

Nicholas Kay oo arintaas ka hadlay waxa uu yiri” Dowladda waa in si dhab ah ay wax uga qabataa dagaaladaas, ciidamada Qaranka ee ka howlagala gobolada ay dagaalada ka socdaan waa in ay ahaadaan kuwo loo wada dhan yahay, oo sharciga kala dambeynta ilaaliya, hogaamiyayaasha iyo odaydhaqameedkana waa in ay qeyb ka qaataan xalinta dhibaatooyinkaas.

Nichlas Kay ayaa sdioo kale ugu baaqay dowladda in ay baarto dacadiyadii ka dhacay goboladaas, cadaaladana horkeento kuwii ka dambeeyay dacadiyadaas.

Akhri warmurtiyeedka UNSOM oo af ingiriis ku qoran

http://unsom.unmissions.org/Default.aspx?tabid=6254&ctl=Details&mid=9770&ItemID=11248&language=en-US