War Deg Deg Ah Baarlamaanka oo si aqlabiyad leh Codka Kalsoonida siiyay Raysal Wasaaraha Cusub ee Somalia.

index

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  Codka Kalsoonida waxa ay si aqlabiyad leh u siiyeen Ra’izul Wasaaraha Cusub Xukuumada Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed oo Maanta Baarlamaanka hortagay si uu Kalsooni uga helo.

Fadhiga Baarlamaanka Waxaa Maanta xaadir ku ahaa Xildhibaano gaadhayey ilaa 243-Xildhibaan Waxaana Codka Kalsoonida siiyay Ra’izul Waaaraha Cusub Xildhibaano gaadhaya ilaa 239-Xildhibaano Labo Xildhibaan ayaa ka aamusay halka laba kalana ay diideen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo fadhiga Shir Gudoominayay ayaa shaaciyay in Ra’izul Wasaaraha uu ansax yahay uuna helay Codka Kalsoonida lagana doonayo in deg deg uu kusoo dhiso Xukuumad Cusub.

Salaanmedia/Moqdisho