WAR DEG DEG: Rayal wasaaraha Soomaaliya oo la filaayo in la magacaabo iyo Suxufiyiinta oo looga yeeray Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia

madaxweynaha somalia

Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa daqiiqado kahor looga yeedhay Suxufiyiinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho, oo laga dalbaday in ay soo xaadiraan.

Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu goor dhow uu qaban doonaa shir jaraa’id, oo aan la ogayn waxa uu kaga hadli doono.

Wararka, ayaa waxay sheegayaan in ay suurta gal tahay, in Madaxweynaha Soomaaliya uu galabta ku dhawaaqo Wasiirka 1-aad ee Xukuumada cusub.

Suxufiyiinta, ayaa waxay ku soo jeedaa Villa Somalia, iyadoo inta badan maanka lagu haayo in Madaxweynuhu uu magacaabi doono Raa’isal Wasaaraha, bedelaaya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maalmihii la soo dhaafay ku mashquulsanaa soo xulitaanka Wasiirka 1-aad ee Xukuumada, iyadoo uu kulamo gaar gaar ah uu la qaadanaayay dhinacyo kala duwan.

Ma cadda ninka loo magacaabi doono Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya, laakiin waxaa jira rag badan oo isku dhow dhow, kuwaa oo midba midka kale lee yahay, rajadiisa ma xuma.

Salaanmedia/Mogdisho