War-Degdeg Ah:Mudaharaadyo Ka Oogan Hargeysa +Kasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac.

banaanbax

Hargeisa-(SM)-Mudaharaadyo ka socda xaafadaha Koonfurta magaalada Hargeysa ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo ay haleeshay Tacshiirad (Rasaas) ay mudaharadayaasha ku ridayeen Ciidamada RRU-du.ku darsoo waxaa jira dhaawac laba qof oo lagu daaweynaayo rugo caadimaad oo gaar loo leeyahay.

Dadkan mudaharaadaya ayaa ka cabanaya biyo la’aan soo foodsaartey ka dib markii Booyadhii biyaha u soo dhaamin jiray mudaharadeen ,oo booyadahoodii xareeyeen ka dib markii xukumada Siilanyo ku soo rogtay ama dul-dhigtay canshuur aanay xamili Karin,cabashadoodiina laga hoos qaadi waayey. Ciidamada RRU-da iyo dadka mudaharadaya ayaa tan iyo saaka isbaacsanaya gudaha xaafadaha koonfurta Hargeysa halkaas oo rasaasta la ridayaana tiro beeshay,waxaana dadka xaafadahaas degani ka baqayaan Xabada wiiftada ah ee RRU-du ridayaan inay aqalada gudahooda ugu gasho oo layso.image

Xaafado dhan ayaa cabsi iyo biyo la’aani isagu darsantay, waxayna habdhaqankan xukumada Siilanyo dadka kula kacday soo xasuusisey 1988-kii,inkastoo dadka qaar sheegeen inay Xukumada Siilanyo maanta tii siyaad Barre bara dheeraysay.

Salaanmedia/Hargaysa