Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade caawa London ka dhoofay kuna sii jeeda Somaliland.

1477653_10202767753456430_2054682007_n

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa caawa ka dhoofay gagida Diyaaradaha ee Heathrow International airport isaga oo kusoo jeeda Somaliland.

733804_10202767747376278_1318191810_n

Wasiirka oo ay madaarka kusii sagootiyeen qaar ka mid ah jaaliyadda Reer Somaliland ee UK ayaa waxa ka mid ahaa Safaaradda Somaliland ee UK oo uu ka socday Safiirka Cali Aadan Cawaale,Gudoomiyaha West London Somaliland Imaan Maxamed Ciise, TV ga Somsat TV iyo dad kale oo ka tirsan Jaaliyadda reer Somaliland.

999931_10202767742776163_1571613116_n

Waxa Wasiirku beryahanba uu ku sugnaa qaaradda Yurub isaga oo kulamo la qaatay jaaliyadda reer Somaliland ee UK iyo jaaliyaddaha qaaradda Yurub oo uu dhawaan safar ku tagay.

Wasiirku ayaa ugu danbeyntii aad ugu mahad celiyey dhamaan shacabka reer Somaliland ee Qaaradan Yurub, aadna ugu amaanay isku duubnaanta iyo soo dhaweynta weyn ee lagu qaabilay wasiirka.

Salaanmedia/London