WASIIRKA MACDANTA SOMALILAND HUSEIN ABDI DU’ALEH OO CADEEYEY INUU U HAMUUN-QABO INUU DHIIGA SHACABKA FARAHA LA GELI DOONO.

WASIIRKA MACDANTA SOMALILAND HUSEIN ABDI DU’ALEH OO CADEEYEY INUU U HAMUUN-QABO INUU DHIIGA SHACABKA FARAHA LA GELI DOONO. 
Daawo Wasiirka Macdanta iyoTamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo ka war bixinaaya sababihii ay shirkada Shidaalku u baxeen.
 
Waxaan ku garaadsaday iyadoo Illahay laga magan galo Dhiiga iyo Xoolaha Bini-aadanka, taasi waxay ku tusinaysaa wanaaga iyo sharafta dadkii hore oo markaan dib u milicsado aan odhan karo way ka aqoon Diimeed iyo Maadiba yaraayeen Jiilalka hadeerto. Halkaas waxaa iinooga soo baxaya in aqoontu aysan wax weyn ka bedelin Dhaqanka iyo dabeecada qofka. 
 
Laba berri ka hor uun bay ahayd markaan Telefishinada afka Somaliga ku baxa ka dhegaystay Wasiirka Macdanta S/land, Husein Abdi Du’ale oo leh “Ilaalinta baadhitaanka Shidaalka waxaanu u diyaarinay Ciidan Khaas ah”. Taas oo macnaheedu yahay maadaama Shirkadu Wadanka ka baxday ka dib markii cabasho kaga timid dadka deegaanka oon ka warhayn Imaashaha Shirkadaas iyo Cabasho la xidhiidhey qaabka Shaqaalihii iyo Dhaqaalihii Shirkada loo maamulay.
 
Wasiirka Macdanta. 
 
Miyaysan wax lala yaabo ahayn in Nin masuul xil dowladeed sheeganayaa Shacabkiisii ugu hanjabo Cagtaan idin marinayaa, garana waayo inuu dadkiisa fahamsiiyo waxtarka Qodista Shidaalku u leeyahay Wadanka, taasoo keeni karta in si wadajir ah oo midnimo ah loo soo dhoweeyo Shirkadan iyo Shaqaalaheedaba. 
 
Hadalkan ka soo yeedhay Wasiirku wuxuu kaloo Shacabka u bayaaninayaa in Wasiirku uusan diyaar u ahayn inuu wax ka bedelayo qaabkiisii hore ee cabashada aadka u weyn bulshada ka dhex dhaliyey, diyaarna uusan u ahayn inuu dadka deegaanka wax wadahadal ah la furo, amaba uu dhegaysto cabashooyinkooda, waxaan filayaa xiligii uu ardayga ahaa inuusan dhigan oo ka booday maahmaah Soomaaliyeed oo odhanaysa “RAGI WALAALOW WAXUU KU DHAAMO LA WAA”. 
 
Wasiir Husein waxuu I xasuusiyey in labadii laga ducaysan jirey een kor ku xusay oo isagu ku ducaysanayo. Madaxweyne Siilaanyo waxaan u soo jeedinayaa in Wasiirkani uusan noqon karin masuul Qaran, loona baahan yahay in shacabka laga ilaaliyo intuusan dhiigooda daadin. Sidaas awgeed uu xilkan ilowsiiyey qofnimadiisii uu ka xayuubiyo. Illaahayow Dhiig iyo Xoolo Bini-aadan baan kaa magan galay. 
 
 Cali Jaamac
UK
 allljama49@gmail.com
 
Â