Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Ku Eedeeyey Duqa Iyo Gudoomiyaha Gobolka Inay Lunsadeen Lacag Dhan 2 Milyan Oo Dollar

(SM:hargays)Xildhibaan Iid Xassan oo ka mid ah Golaha deegaanka ee Gabiley ayaa Shir jaraa,id oo uu qabtay Ku eedeeyay Maayarka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse iyo Badhasaabku in ay Leexsadeen Lacagtii Mashruucii GBLG ee Loogu Tallo gallay Wadooyinka Magaaladda Gabiley Waxaanu Baaq u diray Hantidhawrka Qaranku inay soo farogeliyaan Musuqmaasuqa Baahsan ee jira Gobolka Gabiley.

 

Xildhibaan Iid xassan waxa uu intaa Raaciyay inay si weyn u soo dhaweeyeen Madaxweynaha islmarkaasna aanay jirin cod neceb Madaxweynaha Qaranka oo Gobolka joogta waxaanu Baaq u diray Madaxweynaha Qaranka inuu Wax ka qabto Maayarka Gabiley oo ku sifoobay inuu leexsado Lacagta intaa leeg oo dhan 2 milyan oo doolar islamarkaasna aanay Garanayn halkuu Waddooyin ku dhisay waxaanu kula dardaarmay hay,addaha ay Khusayso inay Budhcaddan shuraakadda ah talaabo deg deg ah ay ka qaado.

Xildhibaan iid xassan waxa uu soo dhaweeyay Waxqabadka ay xukuumaddu ka waddo Gobolka ee aanay Cidna ku halayn waxaanu raaciyay inay Xildhibaano ahaan soo dhaweynayaan balse aanay aqbaleen Musuqmaasuq baahsan inay masuuliyiinta Degmaddu ay leexsadaan.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay Mushaar la,aan ka jirta Dawladda joose oo bishii labaad bilaa mushahar ah ayuu yidhi taasi oo ayaan darro ah ayuu yidhi xildhibaanku.

Salaanmedia/Boorama