Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Diiday In Raa’isal Wasaaraha Uu Horyimaado Baarlamaanka

qalinjabin

Dec 01,2013 Muqdisho(SM)-Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxay intoodu badan ay kahor yimaadeen in Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya uu horyimaado Baarlamaanka.

Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa waxa uu Baarlamaanka ka codsaday in uu horyimaado si uu isku difaaco, laakiin taasi ayaysan aqbali inta badan Xildhibaanada.

231 Xildhibaano oo timid fadhiga Baarlamaanka, ayaa waxay 141 ay diideen in uu horyimaado Baarlamaanka, iyadoo 7 xubnood ay aqbaleen, 8 way ka aamustay, halka 75 Xildhibaano ay iska diideen in ay codkoodu ku biiriyaan labada garab.

Guddoonka Baarlaaanka, ayaa ku dhawaaqay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay intoodu badan diideen, in uu Saacid horyimaado Baarlamaanka, sidaasi daraadeedna ay Xildhibaanadu sii wataan doodooda.

Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa si aad ah ugu kala qaybsamay mooshinka ka dhanka ah Xukuumada, waxayna muujiyeen in ay la kala safteen Madaxweynaha iyo Raa’isal Wasaaraha.

Salaanmedia/Muqdisho Office