Xoogaga Shabaab oo afar jiho ka weeraray Magaalada Baydhabo iyo dagaal xoogan oo ka dhacay

newslogo2

Wararka ka imanaya ee naga soo gadhaaya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, ayaa waxay sheegayaan in Xoogaga Shabaab ay xalay dagaal ku galeen Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.

Xoogaga Shabaab, ayaa afar jiho ka weeraray Magaalada Baydhabo, waxayna ka soo kala galeen wadada ka timaada Berdaale ee soo gasha Baydhabo, Suuqa Xoolaha, Xaafadda Cagaada iyo Xaafadda Towfiiq.

Weerarkaan oo ahaa mid xoogan, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Xoogaga Shabaab, ay iska caabin xoogan kala kulmayn Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom, ee ka hawlgala Magaalada Baydhabo.

Wararka, ayaa waxay intaa ku darayaan in Shabaabku ay soo jiireen fariisimo ay Ciidamada Dowladda ku lahaayeen, jihooyinkii ay weerarada ka soo qaadeen.

Gees ka gees Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa is-qabsaday daryanka sawaxanka ee hubka noocyadiisu kala duwan, waxayna Shabaabku weerarkaan soo qaadeen, saqdii dhexe ee xalay.

Dadka reer Baydhabo oo Ay u ahayd habeen ayaa waxay hurdada kaga soo baraarugeen rasaastii xoogga badnayd, ee is qabsatay afarta jiho ee Magaalada.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta deggan Hoteelada ku yaala Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in xalay ay noloshoodu gashay xaalad khatar ah, inkastoo aan la soo sheegin Xildhibaano iyo Siyaasiyiin wax ku noqda weerarkaasi.

Barqanimada maanta, ayaa la wada ogaan doonaa inta uu le’egyahay khasaaraha guud ee ka dhashay, weerarka abaabulan ee ay dagaal-yahanada Al Shabaab ku galeen Magaalada.

Salaanmedia/Mogdisho

Â