Xukuumada Siilanyo oo iimaansan wayday taageerida muuse biixi ee dooda qaran oo ka daba keentay garyaqaankii dowlada!

Xukuumada siilanyo oo iimaansan wayday taageerida muuse biixi ee dooda qaran oo ka daba keentay garyaqaankii dowlada!

maqaal
 

 

 

 

 

 

Tan iyo markii xalka laga gaadhay in meel dhexe laysugu keeno murankii siyaasadeed ee ku salaysnaa dooda qaran waa laqaban karaa iyo lama qaban karo ayaa hadana waxaa muuqday in aanay xukuumada siilanyo ku qanac sanayn mowqifka siyaasadeed ee ay xisbiyada mucaaridka ah la qaatay hogaanka xisbiga kulmiye taas oo marlabaad daaha ka faydaysa in khilaafka hogaanka xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisa ka dhaxeeyaa uu balaadhan yahay oo aanay marnaba aamin ku qabin talana ku mateli Karin hogaanka xisbigu xukuumadiisa!,
 
shalay ayuun bay ahayd markii marqudha la arkay xisbiyadii dalka mid mucaarida iyo mid muxaafida oo intay marqudha shaashadaha warbaahinta isasoo taagan la yimid mowqif midaysan oo ay ka wada yeesheen shirka dooda qaran ee ay hore ugu baaqeen xisbiyada mucaaridka ah,
 
waxa taas bedelkeeda soo baxay garyaqaankii xukuumada siilanyo oo dadafeeyay shirka dooda qaran ee ay xisbiyadu ka midoobeen qabashadiisa waxa uu sharci daro ku tilmaamay in xisbi mucaarida iyo mid muxaafida iyo labadooda oo laysku darayba aanay ku dhawaaqi Karin shir qaran xukuumada oo qudha mooyee! waxa uu kala saaray xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye iyo xukuumada waxa uu ku dooday in xisbiga ay ka mid noqon karaan cid kasta oo kamida xukuumada iyo cid aan kamid ahaynba taasna aanu xisbigu marnaba kaga wakiil noqon karain xukuumada siyaasadeeda! qofka kaliya ee xukuumada siyaasadeeda qeexi karaana uu yahay madaxweynaha!
 
halkaas waxa uu ku cadeeyay garyaqaanku inaanay hogaanka xisbiga kulmiye wax siyaasada marnaba kaga wakiil noqon Karin xukuumada ka timid markii horeba xisbiga kulmiye! khilaafkaas siyaasadeed iyo sharci ee ay ku kala duwanaadeen xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisu waxay calaamad u tahay fashilka siyaasadeed ee haysata xukuumada hogaanka dalka haysa iyo isburin marwalba taagan! ,
 
hadana waxa la waraystay gudoomiye muuse biixi oo la waydiiyay sida uu u arko hadalka ka soo yeedhay garyaqaanka xukuumada waxa uu isna dadafeeyay hadalkii garyaqaanka waxaanu yidhi majirto meel lagu kala saari karo xisbiga iyo xukuumadiisa meesha uu garyaqaanku kasoo akhriyay sharcigan iyo meel ay kutaalo anigu garanmaayo! waxa kale oo muuse muujiyay markuu warbaahinta waraysiga siinayay hadal iska hor iyo daba imanaya oo ay ka muuqato kalsooni daro barbariiqasho oo uu madmadow ku geliyay sidii uu shalay ugu cadeeyay mowqifkiisa ku aadan shirka dooda qaran iyo ajandayaasha lagag doodayo waxaanad moodaysay in wax laga soo bedelay ,
 
weligeen inamay soo marin intii xisbiyadu dalka ka hana qaadeen iyo xukuumadihii isbedelay ee asxaabta ku dhisnaa sida tii ina cigaal LHN iyo tii ina riyaale xukuumad iyo xisbigii ay ka dhalatay oo midba gees u socdo oo midba mid burinayo! xukuumadan siilanyo iyo xisbigeedu midina mid ma aaminsana way kala shakisan yihiin siyaasad midaysan oo ka dhaxaysana malaha! qolada hogaanka xisbiga haysana ee muuse biixi iyo maxamed kaahina kamidka yihiin beri hore ayaa kaadhka cas loo teegaye way quusan la yihiin waxaana haysa siyaasadii afrikaanka ee indho adayga ahayd! tanoo kale markay dhacada waa goobtii qofka damiirka siyaasadeed lihi uu iska casili jiray! waxay sugayaan in sidii ina c/qaadir garbaha la qabto oo laga dhex qaado xisbiga!,
 
hadaba xukuumadan xisbigii ay ka soo baxday labada garab u kala jebisay ee shirgudoonkii baarlamaanka labada garab u kala jebisay ee hanaankii xisbiyada dalka ka leexisay ee siyaasadii arimaha dibada ku fashilantay tii gudaha iyo amnigii ku fashilantay bal aynu eegno halkay Somaliland geyso!
 
 
Adan axmed nuur