Xukuumada Siilanyo oo taliyihii boliska burco xilkii uga qaaday si ay xaalad dagaal dalka uga abuurto oo doonashooyinku dib ugu dhacaan !,

maqaal

Tan iyo markii xisbiyada mucaaridku isku waafaqeen in dalka laga qabto dood qaran oo lagu saxayo waxa inaga dhiman oo ay ugu horayso sidii dalka looga qaban lahaa doorashooyin xor ah oo ku qabsooma waqtigii loogu talo galay ayaa waxa wal wal weyni ku abuurmay xukuumada siilanyo waxay iska horkeentay shigudoonkii baarlamaanka oo ay laba qaybood ka dhigtay waxay ka soo shaqaysay mooshin xaalad abuura oo ay rabtay inay xilka gudoonka baarlamaanka kaga qaado si sharci daro ah gudoomiye cirro!

markii uu socon waayay mooshinkaas loo soo maleegay gudoomiyaha baarlamaanka oo mashruuciisa iyo qandaraaskiisa ay soo qaateen labadii kuxigeen ee baarlamaanka baashe iyo cali Yusuf ayay hadana dhan kale ka rogtay waxay dhabarka soo taabatay gudoomiyihii maxkamada sare oo aan dastuuriyan xaq u lahayn inuu soo faro geliyo shaqada iyo hawlmaalmeedka baarlamaanka waxaanay kala yihiin laba hayadoon oo siman oo kala madax banaan waxa uu isku dayay inuu horjoogsado ansixintii codka loogu qaadayay gudiyadii uu gudoomiyuhu magacaabay! taasina way socon wayday oo way fashilantay!,

shirgudoonka guurtida oo ay ka mid yihiin gudoomiye saleebaan gaal iyo ku xigeenkiisa iyo odayga dalka xaaji c/kariin (cabdi waraabe) ayaa is xilqaamay waxay xal u heleen kala aragti duwanaan shiyihii ka taagnaa shirka dooda qaran waxay meel dhexe isugu keeneen fikirkii la kala qabay iyaga oo shirkii dooda qaran labadii dhinaba ka qaaday oo ku wareejiyay akadeemiyada nabada iyo harumarinta waxay isa soo horfadhiisiyeen gudoomiye cirro iyo madaxweyne siilanyo sida laga warqabo wuu la qaatay madaxweyne siilanyo taladii markaas ay ka soo shaqeeyeen odoyaasha guurtidu wax yar kadib waxa marqudha la arkay xisbiyadii dalka oo shir jaraaid qabtay oo mucaarid iyo muxaafidba ku heshiiyay in shirka dooda qaran la qabto oo looga danbeeyo akedeemiyada ajandayaashii shirkaana waa laysla qaatay iyada oo laba qodob lafdhabar looga dhigay mid ku salaysan doorashooyinka iyo mid ku qotoma ictiraafka ,wax yar kadib waxa la arkay gudoomiye muuse biixi oo la soo bedelay oo fikirkii uu hore ugu dhawaaqay oo mid ka duwan hadana warbaahinta la soo hor fadhiistay!

qodobka madaxweyne siilanyo aanu raalida ka ahayn ee sida falaadha ugu mudan ee aanu muuse biixi dareen sanayn waa ka ah in doorashooyinka la qabto oo laga wada hadlo oo ay si xora u qabsoomaan waqtigii loogu talo galay waa kaas ka uu ka war wareegayo madaxweyne siilanyo ee uu is leeyahay hadii dood qaran laysugu yimaad meel ayaa lagu tiirin waxaana u qorshaysan inuu mudo sii korodhsado!,

hada markii wax waliba u socon waayay madaxweyne siilanyo wuxuu ku talo galay inuu gobolka togdheer ka abuurto xaalad dagaal si dagaal sokeeye dalka uga dhaco oo doorashooyinkii la filaayay dib ugu dhacaan dowladuna mudo xileedka u korordhsato! wuxuu si qaawan oo bilaa sabab ah xilkii uga qaaday taliyihii qaybta booliska axmed c/raxmaan ( ilka case) oo ahaa shaqsi karti iyo aqoon u lahaa shaqadiisa oo ku filaa sarkaan kan oo kasoo jeeda deegaanka burco ayaan isaga xil kale oo qaran meela dalka looga magacaabin wax lagu soo eedeeyay oo uu shaqadiisa ku waayayna lama sheegin waxaana loogu talo galay in laysaga horkeeno labada beelood ee wada degan gobolka ee walaalaha ah ee ilaahay meesha ku wada abuuray!

tanoo kale ayuu madaxweyne siilanyo ka sameeyay magaalada burco 1992 kii isaga oo ku mucaariday xukuumadii c/raxmaan tuur IHN xabadii uu waqtigaas burco ka riday waxay dishay walaalkii oo la odhan jiray ina bureeqa IHN oo meel iska taagan ayay xabad seeraano ahi ku dhacday oo dishay somalida ayaa tidhaah booraan hadimo ha qodin hadaad qodana hadheerayn inaad ku dhici ma ogide! xabadii uu burco ka riday waqtigaas waataas walaalkii dishay maantana markii uu isku dayay wax kasta oo uu dalka xaalad kaga abuuro ee ay u socon wayday ayuu dib ugu soo laabtay bartii uu walaalkii ina bureeqa IHN ku dilay 1992 kii! waxaan leeyahay shacabka reer burco ee waayo araga ah ee walaalaha ah waxa la yidhi muuminka laba god laguma wada qaniino halkii 1992 kii laydinku qaniinay maantana yaan laydinku qaniinin!.

aadan axmed nuur