Yahuuda oo duqeysay wadan carbeed, iyo dagaal oo laga Cabsi qabo Inuu sii xoogeysta.

image

Maamulka Yahuuda Israel ayaa duqeyn ka geystay dalka Lubnaan kadib markii labo gantaal ay ku dhaceen waqooyiga Israel, sida meletariga maamulkaasi ay sheegeen.

Ciidamada maamulka Yahuuda ayaa shegay in Tankiyadooda ay seddex gantaal ku rideen dhanka koofureed ee dalka Lubnaan iyadoo ay la eeganayeen deegaan ay sheegeen in duqeymo looga soo eegtay.

Raadiyaha ciidamada Yahuuda ayaa baahiyay in duqeyn lagu guul dareystay ay ku dhacay galbeedka Kyriat Shmona, taasi oo la sheegay inaysan geysan wax khasaare ah.

Xiisada dhanka xuduuda ayaa sii korortay labo todobaad ka hor markii ciidamada Israel ay toogteen labo kamid ah ciidamada Lubnaan, kadib markii la dilay askari Israeli ah.

Waxaana taasi ay dhalisay xiisada dhanka xuduuda oo soo taagneyd ilaa 2006, markii Israel iyo ciidamada Xebullah ee dhulka Lubnaan uu dhexmaray dagaal bilooyin qaatay.

Ciidamo ka socda QM ayaa loo daabulay dhanka xuduuda waxii ka dambeeyay markii dagaal 34 maalin ah uu dhacay sanadkii 2006, kaasi oo ay ku dhinteen 1,125 Lubnaanees ah oo badankood rayid ahaayeen iyo 119 Israeli ah oo 45 kamid ah ay rayid ahaayeen.

Salaanmedia/London