Somaliland nin xumo u saadaaliyaa ma helin? By: Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)

Mustafe ShiineMeel cidla ah ayuu ku dhacayaa hadalka iyo saadaasha ku aroorta in Somaliland ay ku soo food leedahay nabadgelyo darro iyo fawdo u dhaxayn karta shacabka walaalaha ah ee reer Somaliland. Waxa maalintii shalay lagu faafiyay qaar ka mid ah websityada reer Koonfureedka iyo kuwa la mid ah oo laga leeyahay Somaliland in Somaliland ay halis ugu jirto in uu ka qarxo dagaalo sokeeye . Kuwa bilaabay saadaasha xun ayaa ah qaar ka shidaal qaadanaaya wararka ay inta badan faafiyaan qaar ka mid ah warbaahinta dalka, kuwaasi oo mar walba buun-buuniya dhacdoonyinka maalin walba dunida ka dhaca; sida dad doonaaya in ay dareenkood muujiyaan ama ku kacaaya banaan-baxyo aan sharciyeysnayn iyo booliska oo isku dhacay, taasi oo ay ku sifeynayaan in ay u gaar tahay beel iyo wax la mid ah. Dhab ahaantii Somaliland way ka soo gudubtay xili ay beel ka mid ahi hubka u qaadan lahayd burburinta qaranka, waxana uu yahay qaran leh awood iyo cudud ka balaadhan mid kasta oo ay beeli leedahay. Dawladninada Somaliland marnaba ma aha mid dib u noqonaysa oo ay dad dano gaar ah lihi dib ugu celin karaan waayihii xumaa ee uu dalkani soo maray. Dadka Somaliland waa kuwo ka bisil in cid dano gaar ah lihi ay dab geliso si ay ugu gaadho halka ay hiigsanayso, waxase at tahay in cidii doonaysa in gaadho kursiga ay ka hawlgasho ilaalinta nabadgelyada ummaddan. Si kastaba ha ahaatee waxa hadalada iyo qoraalada nacabku faafinaayo ay yihiin kuwo aan macno samaynayn oo meel cidla ah ku dhacaaya. Mustafe Cabdi Ciise Shiine