HAYAAAAAY WAAKAA MASIIRKII UMMADU

bismillaahi raxmaani raciim

assallaamu calekum waraxma tullaah
MAQAAL
salaantaa islaamka ka dib waxa jirta kelmed ku jirtey hees somaliyeed oo odhanaysa ma hadhin hadal la is yidhaahdaa waxaan ka wadaa dawynoo waa aragtaan halka wax marayaan ee ay ku danbeysaw qadiyadeenii waxa maanta cadaatay in laga guurey oo laga digo rogtey madax bananidii iyo jiritaan kii ummadda reer somali land xaalkii waxa uu marayaa waxa wada jir loo canbaareeyey falkii dawlladii milatriga ahayd geysatey waxa kale oo soo baxday in meeshaba laga saaray magicii somali land taa waxa kasii daran waxa la furayaa xafiis ka shqeeya danaha dalka iyo wada hadallada oo istanbuul laga dhigi oo gudida wada hadaladu fadhiistaan xaruna u noqda,hadaba ma waxa aynu sugnaa inya calankii somaaliya laga taagayo dalkeena miyaanu idiin dhadhamayn kelmeda uu ninka xamar ka socdaa yidhi ee ah waxay somaaliya ogolaatay khasaarihii dawladii somaaliya u geysatey dadka reer somalilan waana la wada nabaareeyey halkaa waxa ku duugan warkii dhawaan saxaafadu qortay ee ahaa in dawladda somaaliya bixiso magdhaw dalkiina sidaa ku midoobo waxaan kusoo gunaanadayaa ummadyahay waad iibsantahaye isma ogid waxase maanta talo taagan tahay walee ini aan quus aqoon naftiisaa quus ah ma waxa aynu qaadanaa oo liqnaa in dalkii iyo dadkii sidaa ku galbadaan oo dhaqaale la dhaafsado gobanimadii loo hoobtay ee dhiiga lagu beeray taa macneheedu waxa weeye inagoo diintii islaamka ka baxnay oo wadae ahaan u ridawney dil rabina inagu waajibey iyo hoog aan hadhaynin akhristoooow halkan hoose ka dheeho kalsoonida uu mu hadlay ninkaas reer xamar ee badhi gooyada inoo ayaa.

Istanbul ….Jan.19, 2014-Weftiyadii Somaliland iyo Somaliya u metelaya wadahadaladii uga socday Dalka Turkiga ayaa doodo xaasaasiya iyo gorfayn dheer ka dib waxa ay kala saxeexdeen heshiisyo ka kooban dhawr qodob.
Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oomarkii heshiiskaasi la saxeexay la hadlayey Idaacada Voa-da ayaa sheegay in la gaadhay heshiis dhawr qodob ka kooban oo u sii gogol xaadhaya wada hadalo dambe oo dhaca marar dambe.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Somaliya C/kariim Xuseen Guuleed oo ka hadlay Heshiiska ay labadooda dhinac wada gaadheen ayaa sheegay in ay yihiin qoddobo Guud oo noqon doona dariiqa loo marayo in ay wadahadaladu jawi fiican ku socdaan isagoo sheegay in qoddobada xudunta u ah wadahadalada dib loogu dhigay illaa kulamada danbe.
Wasiirka Amniga Somaliya qoddobada ugu muhiimsan ee uu sheegay Heshiiska in lagu gaadhay waxa ka mid ah in ay Ergada Somaliya aqbashay khsaarihii Naf iyo Maal ba lahaa ee Dawladdii Somaliya u gaysatay dadka Reer Somaliland, taasoo ay sheegeen in labada dhinac ba qaateen.
Qoddobada kale ee ka mid ka ah Heshiiska waxa ka mid ah in ay cadaato doorka ay dawladda Turkigu ku leedahay wadahadalada, iyadoo sadex bilood kiiba mar kulamada wadahadalada la qaban doono, isla markaana laba guddi oo labada dhinac ah ay ka wada shaqayn doonaan.

xuseen xirsi caamir

Â