Wararkii ugu dambeeyay Madaafiic culus oo Shabaab iyo ciidamada Kenya xalay Kismaayo isku weydaarsadeen

Daawo Kismaanyo oo ciidamadda Aminson ay ka qadeen Video Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose, Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya ee ku sugan Jaamacada Magaalada Kismaayo ayaa isweydaarsaday hoobiyeyaal xalay. Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay xalay hoobiyeyaal ku garaaceen Jaamacada Magaalada Kismaayo.iyadoo dhanka ciidanka Amisom ay ku jawaabayeen hoobiyeyaal ka culus kuwii Shabaab ay ridayeen. Dhawaqa madaafiicda ayaa waxaa laga maqlaye gudaha Magaalada Kismaayo, taasi oo cabsi ku beertay shacabka ku nool Magaalada oo la argagaxay dhawaqa hoobiyeyaasha. Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda ay Shabaab ku rideen Jaamacada Magaalada Kismaayo kuwa ka badan loogu jawaabay, ciidanka Kenyatiga ee Jaamacada Kismaayo ku sugana madaafiicda si bilaa xisaab ah ay uridayeen. Waxaan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicda xalay la isku weydaarsaday Magaalada, inkastoo ay jiraan warar sheegaya inuu jiro khasaaro kala duwan oo labada dhinac soo gaaray. Madaafiicda xalay la isku weydaarsaday Magaalada Kismaayo, ayaa kusoo aadeysa xilli weli Magaalada ay joogaan qaar kamid ah wafuudii kaqeybgashay caleemo saarka Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba. Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin madaafiicda ay xalay ku garaacen Magaalada Kismaayo, sidoo kalena ciidanka Amisom wax war ah kama soo bixin dhankooda.

Salaanmedia/Mogdisho