24 nin oo Soomaali ah oo ay xukun adag ku riday Maxkamad ku taala Wadanka Kenya

Maxkamad ku taala Magaalada Mombasa ee dalka Kenya, ayaa Khamiistii xukun adag ku riday 24 sano oo Soomaali ah, kadib markii lagu helay kiis ka dhan ah burcad badeeda. 25-kaan nin, ayaa waxay wajihi doonaan xukun min toddobo sano oo xarig ah, xilli Maxkamada ay soo bandhigtay cadeymo muujinaayo falka loo soo xiray. Qaadiga Maxkamada Richard Odenyo, ayaa wuxuu sheegay in raggaan ay dhamaadkii sanadkii 2010-ka weerarayn markab laga lee yahay dalka Iran, xilli ay hubeysnaayeen, ayna wateen doomaha nooca dheereeya. Ciidamada Badda ee Dowladda Holland, ayaa burcad badeeda ka badbaadiyay markabkaasi oo lagu magacaabo FV ARIYA, waxaana u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan raggaasi. Kiiska raggaan oo ay la wareegtay Dowladda Kenya, ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxay dacwadoodu ka soconeysay Maxkamada Magaalo Xeebeedka ee Mombasa. Gudoomiyaha Maxkamada, ayaa waxa uu sheegay in raggaan ay racfaan ka qaadan karaan xukunka adag ee uu ku riday, haddii kalana ay waqtigoodu ku dhameysan karayaan xabsiga. Jared Magolo oo ah Abukaatihii difaacaayay raggaan, ayaa waxa uu sheegay in xukunka ku dhacay uu yahay mid adag, laakiin ay racfaan ka qaadan doonaan, sidii loogu dibcin lahaa.