Hogaanka Puntland oo maanta si diiran loogu caleemo saaray Madaxtooyada Garoowe “Daawo Sawirada”

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa maanta si diiran loogu caleemo saaray Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe. Munaasabada caleemo saarka ee Madaxweynaha Puntland, ayaa waxaa ka qaybgalay dhinacyo kala duwan, waxaana laga xusi karaa Wefdi ka socda Baarlamaanka Somaliya, Wasiirka Cadaalada ee Jabuuti, Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya, Danjiraha Midowga Yurub ee Somaliya, Safiirka Talyaaniga ee Somaliya, xubno ka kala socda Midowga Afrika, Igad, Itoobiya, Maamulada dalka ka jira qaarkood, Siyaasiyiin kala duwan, oo lagu soo casuumay iyo marti sharaf kaloo muhiim ah. Sidoo kale Munaasabadaan, ayaa waxaa ka soo dhex muuqday Madaxweyne-yaashii hore ee Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud “Faroole” iyo General Cadde Muuse Xersi. Dhinacyada ka qayb gashay Munaasabada maanta lagu caleemo saaray Madaxweyne Gaas, ayaa waxay qaarkood ka hadleen Madasha Munaasabada, waxayna si isku mid ah ay u bogaadiyeen hogaanka cusub ee Puntland. Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya Amb. Nicholas Kay, ayaa waxa uu sheegay in Xafiiskiisu uu la shaqayn doono Masuuliyiinta hogaanka u qabatay Puntland. Dr. Faroole oo khudbad ka jeediyay Munaasabada lagu caleemo saaray Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo Midnimada iyo Wadajirka Ummada Somaliyeed. Dr. Gaas oo sidoo kale khudbad ka jeediyay Madasha Munaasabadaan quruxda badan leh, ayaa waxa uu sheegay in uu wax badan ka qaban doono, baahida ay qabaan dadka reer Puntland. Si kastaba ha-ahaatee Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, ayaa waxaa maalmaha soo socdo lagu wadaa in uu ku soo dhawaaqo, Xubnaha Golahiisa cusub ee Wasiirada.

Salaanmedia/Garoowe