Abwaan Axmed Aw Geedi Maxmuud (Dheeraad) oo dareenka shacabka reer Somaliland ku cabiray maanso

 Abwaan Axmed Aw Geedi Maxmuud (Dheeraad) oo dareenka shacabka reer Somaliland ku cabiray maanso ruxday quluubta dadka oo layidhaah garbo-diir!
 MAQAAL

wuxuu geelu dararaa markuu gurisan daaqaa
wuxuu ramadku deexdaa markuu nirgaha dayo
wuxuu awrku doobyaa markuu qooq ku dacal badho
wuxuu farsku dananaa markuu waagu daalaco
waxa gabadh ladoonaa marka guudka loodabo
wuxuu geesi diriraa markay hiili damaqdaa
wuxuu gabay dux leeyahay marka loo dareen qabo
maantana darmaantii calasidaa diyaaroo dawinaysa heestee kadug dhacanta deyrow!
gudgude ayaa kada-ay howd waqal baa kumaaxdumay geediga ladalandeli doograace reeruhu la dareeri xoolaha kaayaga se daaqiyo meeshii degsiimo leh dibaa looga celiyaa!
ana waxaan laduubnahay dareenkayga shidayaa dumqulaashay waa kaa! dantu waxay ubaahnayd intaan doolka geediga ladareerin gubarada cid horseedka loo dayo!

waa tuduc bar bilow u ah maansada garbo-diir ee abwaanku inoo soo gudbiyay,

waxaan halkan hanbalyo aan lasoo koobi Karin uga dirayaa abwaanka qarnigan axmed aw geedi maxamuud (dheeraad) oo tiriyay maanso aad iyo aad u murti iyo qiimo badan oo xigmad aad u balaadhan ku duugantahay oo aan lasoo koobi Karin isaga oo abwaanku ku cabiray maansadaas uu u bixiyay ( garbo-diir) sida guud ahaan somalida oo dhan gaar ahaan reer Somaliland ugu khasaareen hogaamiyihii ka midha dhalin lahaa inuu ku hogaansho hab cadaalada oo siman oo kartileh oo weliba hal abuur leh,

abwaanku waxa uu muujiyay isku kalsooni, geesinimo, karti, halabuur baaxad leh iyo inuu sidhab ah oo aan hagrasho lahayn uga maansoodo wacyiga dalku marayo iyo hogaan xumada haysa dalka!

maansadu waa maanso aad iyo aad u balaadhan oo tilmaamaysa sida umadan Somaliland kunool hogaan xumadu ugu dhacday ee u ragaadisay iyo sida maalin walba dowdar habaar qabe ah oo ilaahay aan ka cabsanayn oo korkana muumin isaga ekeysiiyay qalbigana faasiq ka ah uu awrkiisa ugu kacsanaayo! maansadu waxay ka turjumaysaa sida umada dalka ku nooli diihaalka ugu qabaan inay helaan hogaan ka turjuma himiladooda ee aanay weli u helin bal u fiirso ereyada abwaanku ku cabirayo dareenka dhabta ah ee dadka waayo hal abuurku waxa uu ka dareen celiyaa bulshada uu ku dhex nool yahay hadba waxay dareemayso!,

rabow waxa idaashaday daruur heemanaysoo misna aan da-aynoo soohaabo diidoo sama laha dabayl iyo onkod iyo dayaan badan oo aan daroorayn!
rabow waxa idaashaday markay diriro hooraan dooxadan hunguufta ah diri aan biyaha qaban iyo dhagax dixeedkii aan doog kazoo bixin dhego laydh dabaashiyo kalaan waara dega hayn!
rabow waxa idaashaday gabno ololka aan damin misna aan qof deeqayn maqasheedana udaran!
rabow waxa idaashaday sange duubi weynoo hadii duunyo lala tago ama deeda lookaco duhurkii xaraamoo dirir iyo rogaal gelin!
rabow waxa idaashaday rati doobta laliyoo hadii geela lagu daro daruur aan shaf saarayn ama qaalmo darcad ah weligii dalaan dalin!
rabow waxa idaashaday dibi gees biciid loo markuu maalmo doog cuno ku durduriya maatida iyo daacad goodlaha doxosh waayo qooqiyo awr dabar la-aan dhacay!
rabow waxa idaashaday marti aad daryeeshoo dar ilaah u soortoo markay diiftii reebeen reerkii kuduuloo maalkii dareersaday!
rabow waxa idaashaday damiir beec u yaaloo duul lasoo kiraystoo dabagaab ciyaartiyo haween tuma durbaankiyo guulwadow nadaadihi!
rabow waxa idaashaday golayaal dihaal qaba oo gacalkii doortiyo shicibkii dafirayoo xaqdabool la jaaloo samayihii la diidiyo madharaari duubtoo oo boqor diqyaanuus sandareerada u qubo!
rabow waxa idaashaday golayaal distoorkii xeerkiyo dadnimadii iyo diintii faasaxay!
rabow waxa idaashaday dircuno iyo hudhmo u dirir maqaraare dabato ah qowlaysato iyo dulin dufenliyo afmiishaar weeraha dadqaadka ah iyo tuug I dala sada! ma khajile iyo duuflaal iyo reer madoojeha dumarkuun la caytama!
rabow waxa idaashaday isku dire iyo kala dile dab sokeeye nagu shide deris nabada kala rere dermeduu kuladey gube mid wanaaga daaf iyo uyaqaana daacuun xumahana kudiirsada!
rabow waxa idaashaday ilmo socodka diinka ah mid aan daaqsin maqaleed waxba looga diranayn dardartana dhegweynka ah dulyaraana jinac ka ah deyro waalid kii ka ah danta xoolo moog ka ah dacaw doobirta ka ah duunka hoose cadow ka ah dalqadana cilaan ka ah garashada damiin ka ah wax usheegmo didib ka ah!
rabow waxa idaashaday nabar aan dawo lahayn dalsan aan urshi lahayn dar aan oontiryo lahayn ood aan dudo lahayn aqal aan dugsi lahayn duqay aan tashi lahayn da yar aan karti lahayn duub aan cisi lahayn digtoor aan cilmi lahayn dayarx aan cado lahayn dowlis aan side lahayn irbad aan dunba lahayn daabad aan hayin ahayn umad aan distoor iyo dile khaa-in celisiyo xakame iyo lahayn daba!
rabow waxa idaashaday mid dibnaha ka muumina qalbigana ka daalina!
rabow waxa idaashaday mid dulmiga xalaashada ana iiga siidiga mid sinaanta daydaya eexdana dugaashada mid iftiinka demiye ah ana daaraday gura mid dirsooca maxarima isna diiradaw sida mid wuxuu dalbada hela ana tayda duudsiya talo waxaad ku daysaa hadalkana ku duubtaa nin bakhayl damaaciyay daahane u fiirsaday oo fulayga doqonkii daan daansadaad ahay! ana digasho ma xamilo deel qaaf ma qabatimo dulinomo ma qaa-ibo waxase biyo madaadshiyo ma dakaame iga dhigay waa duruufta lagu jiro dantu way qasbaysaa!
afartaa gu darariyo dirir seerma weydiyo sida dayrta halalood doox iyo tayaadhaha cir dalal qaadiyo waqal iyo daruurtii! 

waxaanu leenahay abwaan axmed aw geedi magacaa ha jiro taariikhda ayaa idin kala sheegi adiga iyo ka afka xidhay ee kula midka ah ee isha ka daawanaya foolxumada dalka taala ee ka doorbiday inuu rayigiisa si caafimaad qabta u cabiro shilimo lasiiyo ama qaranimadii iyo qoomiyadii kala weynaadeen qabyaaldu,

waxaad la simantahay abwaanadii waaweynaa ee dalkan ka baxay sida macalin abwaan maxamed xaashi dhamac (gaariye) iyo ibraahin gadhle oo intay noolaayeen sidan oo kale umada u wacyi gelin jiray oo maalinwalba waxa ka qaloocan maanso ku tilmaami jiray waxaan ku leeyahay marlabaad magacaa hajiro oo hajoogo,

aadan axmed nuur